Tuesday, January 18, 2011

Shirkada Africa Oil iyo Dawladda Puntland oo Heshiis Hal Sano Wada Gaarey

Shirkada Africa Oil ee qaabilsan dhinaca macdan baarista ayaa sheegtay in mudo hal sano lagu kordhiyey heshiiskii dhinaca macdan baarista oo u dhaxeeyey iyaga iyo Dawladda Puntland.


War qoraal kasoo baxay Shirkada ayaa lagu sheegay in heshiiska la gaarey shalay oo ku beegnayd 17.January.2011,waxaana ay ku egtahay 17.January.2012 ee sanadka soo socda.
Africa Oil ayaa sheegtay in heshiiska ay ku weheliyaan labo shirkadood oo kala ah Range Resources Limited iyo Lion Energy Corporation,waxaana heshiiska dhinaca Puntland u saxiixay Agaasimaha waaxda Macdanta iyo Batroolka.

Shirkadu waxaa ay sheegtay in dooxada Dharoor Valley 27.07.2011 laga bilaabi doono macdan baaris iyadoo 27.09.2011 sidoo kale baaritaan lagu sameyn doono Dooxada Nugaal.

Madaxa Shirkada Africa Oil Keith Hill oo ka hadlay heshiiska ayaa sheegay inuu soo dhoweynaayo talaabadan isla markaana howsha gudan doonto Shirkada.

Bishii December ee sanadkii 2009 ayay ahayd markii wefdi kasocda Shirkada Africa Oil ay gaareen magaalada Garoowe isla markaana la kulmeen masuuliyinta Puntland,waxaana ay sheegeen in ay dib u bilaabi doonaan howlaha macdan baarista.

Horseed Media
Bosaso-Somalia

0 Ra'yi ka dhiibo:

Post a Comment

Halkaan Ku cabbir Ra'yigaaga adoon cidna duraynin.

Astaanta Horyaal Waa Hiigsiga Nabadda Soomaaliya

Bashir Dahir Dhabayaco allhoryaal Copyright © 2007-2016

.

wararkii ugu danbeeyey