Saturday, January 15, 2011

Caasimadda Tunisia oo wali kacsan

Ciidamada amniga ee dalka Tunisa ayaa xiray wadada wayn ee caasimadda, oo ay halka dibadbaxyo ballaaran ay ka dhaceen,
kuwaas oo ku soo gabagaboobay in madaxwayne Zine al-Abidine Ben Ali uu u duulo dibedda.
Wuxuu hadda ku sugan yahay dalka Sacuudi Carabiya.
Waxaa jiray warar sheegaya in xalay rabshado ay dhaceen oo ay ku jirto in la boobay dukaan wayn oo ku yaalla daafaha Tunis.
Ra'iisul wasaaraha Maxamed Ghannouchi, oo xukunka la wareegay markii madaxwaynuhu baxay ayaa ku baaqay in dhamaan dadka Tunisia ay gacan ka gaystaan sidii loo soo celin lahaa kala dambaynta, lagana qaybqaato qorshe lagu sameeyo isbadal siyaasad, bulsho iyo dhaqaale.
Mr Ghannouchi ayaa sheegay in uu la kulmi doono xisbiyada siyaasadda si looga wadahadlo dhisidda dowlad cusub.
Dhinaca kale, waxaa aad u yar jawaabta ka soo baxaysa dalalka carabta ee la xiriirta dhacdooyinka ka jiray Tunisia.
Wasaaradda arrimaha dibedda dalka Gacanka ku yaalla ee Qadar, ayaa afhayeen u hadlay wuxuu sheegay in ay tixgalinayaan tabitaanka iyo doorashada dadka Tunisia.
Magaalada Qaahira, tiro yar oo kooxaha ololeeya ah ayaa isugu tagay dibedda safaaradda Tunisia, iyagoo ku qaylinayay halku dhegyo ka dhan ah madaxwaynaha Masar, Hosni Mubarak.
Waxaa kaloo dibadbaxyo ka dhaceen dalka Urdun maalintii Jimcaha oo looga soo horjeeda sicirka cuntada ee sii kordhaya.
Jawaabta ugu wayn waxaa lagu muujiyay boggaga bulshada ee internet, iyadoo aad loogu soo bandhigay calanka Tunisa iyo fariimo hambalyo ah oo loo dirayo dadka Tunisia.

0 Ra'yi ka dhiibo:

Post a Comment

Halkaan Ku cabbir Ra'yigaaga adoon cidna duraynin.

Astaanta Horyaal Waa Hiigsiga Nabadda Soomaaliya

Bashir Dahir Dhabayaco allhoryaal Copyright © 2007-2016

.

wararkii ugu danbeeyey