Burcad-Badeed Qr/C/fatax Dahir Cumar

Buugaan ayaa loogu magac daray sidaad aragtaanba(Burcad Badeed) ,Waxaana lagu soo bandhigay maalinimadii Isniinta oo ku beegnayd 21/jun/2010 .

Wednesday, June 30, 2010

HEESTA MAXAAN XABADEEY KU NACAY IYO BASHIIR

 MAXAAN XABADAY KU NACAY!!                                           WAA Hees aad iyo aad uqiiro badanee ka bogosho wacan asxaabey waxaana idiinku talo galay xuska maalinta 1da luulyo dalkana Allah ha nooga dajiyo siduu haatan yahay: miraha heesta waxaa ka mida...

KU Dalxiis dalka Soomaaliya

Dalkeena waa dalka kaliya ee aan la arkin dunida meel la mida markii loo eego dhanka khayraadka Bad iyo Birriba iyadoo uu Ilaahay nagu mannaystay haddana waan ku qooqnay nimcadii uu Alle nagu galladaystay saa oo ay tahayna waan garanwaynay ka faa'iidaysigiis...

Geeraar iyo xasuus aad uwacan{Daawasho}.!!!

Geeraar ku saabsan xaalka dalkeenu yahay W/T:(Bashir Dahir Dhabayaco) Dunidaba dhammaanteed Dadaalbey galeenoo Daarey dhisaayaan Dalkooday cammirayaan Dadaal la'isku dhaafyo Daruuraha agtoodiyo, dayaxaa la dagayaa taasaa la doorbidey inaa lagu dakeeyaa Dowr wacan la gaara Dadkaygow annaguna dadba daa warkiise Dawrkeena wacaniyo dadkiibaan qalayna...

Xooga Dalka Soomaaliya daawasho wacan

Muuqaalkan waxaa uu ka turjumayaa siduu ahaa xooggii dalka saamaaliya waqtigii Dawladda soomaliya ay jirtay isla markaana loo yaqaanay soomaaliya Libaaxyada Afrik...

Jaaliyada Soomaaliyeed ee ku nool Qadar iyo munaasabaddi 1da Luulyo ee sanadki hore

WAA sanadkii hore(2009) iyo sidii ay u dhigeen jaaliyadda soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka qadar daawasho wacan in sha allah ilaah ha noo hagaajiyo dalka iyo dadkaba soomaalina ha isku soo ces...

Xasuus wacan waa Dagaalkii1977kii

waa Dagaalkii 77kii immisa aya ka soo wareegtay ma la iswaydiiyeyse soomaaliya siday ahayd iyo waxii loo yaqaanay soomaaliya(libaaxyada Africa). waqtigaase dadka kala reebee maxaan ku danbeynay soomaaliyey soomaaliya waa in laga waantoobaa sidaan haddii kale silicu waa sii kordhaayaa .ALLOW DADKA NOO HADEE ALLOW DALKA NOO HAGAAJIalla daa'imow adaa daalacane kuwa nagu dangiigsaday naga dulqaadooalla daa'imow dalka noo hagaajiAaaaaaaamiiiiin allahayow.Daawasho wacan ayaan idin leeyahay heeso badan oo xasuus leh ayaa dulsaaran oo aad kaga dheehanaysaan inta aad daaawanaysaan waxaana idin leeyahay dalkana haloo dadaalo dhalinyaroy.Bashir Dahir DhabayacoMelb - Austra...

Tuesday, June 29, 2010

Waa tee Maalinta 1da Luulyo ?!!!!.

1da luuliyo Waa Tee??!!!!Waxaan marka hore ugu hambaleyeynaa dhammaan ummada Soomaaliyed munaasibadan qaaliga ah ee 1da Luuliyo. Waxaan leeyahay farxad ku ciida isla markaana dib ha loo eego taxanaha taariikhda gobanimadoonka Soomaaliyeed.Umad waliba waxay leedahay taariikh ay ku faanto,iyo munaasabado ku dheer oo lama ilaawaan ah,kuwaasoo la xuso oo laga sheekeeyo halgamadii iyo maalin waliba waxay wanaag iyo tiiraanyo umada u leedahay.Maalmahahaas ayaa waxa ka mid ah maalin qaran,mid qoys,iyo mid shakhsiyeed oo midba mudnaanteeda loo xuso,taasoo mudan in mid walba mudnaanteeda la siiyo,oo xuskaas la xusayaa uu noqdaa mid lagu xusayo muxaadarooyin...

Abaanduulihii Ciidanka Daraawiishta Puntland Oo Ku Geeriyooday Shil Gaari

shil gaari oo uu ku dhintay Abaanduulihii Ciidanka Daraawiishta P/land (29/06/10)Abaandulihii Ciidanka Daraawiishta Dowladda Puntland Allahu naxriiste Col.Maxamed Salaad Warsame ayaa ku geeriyooday shil gaari ka dhacay meel u dhow degmada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar.Guddoomiye kuxigeenka gobolka Karkaar Yoonis Cali Faarax oo la hadlay warbaahinta maxalligaa ee boosaaso goor dhowayd ayaa sheegay in shilkaas gaari uu ka dhacay tuulada Adisoone oo dhowr iyo toban kilomitir u jirta degmada Qardho.Meydka Taliyaha ayaa waxaa daqiiqado ka hor la gaarsiiyey Isbitaalka degmada Qardho oo halkaas yaallo,waxaana aan la ogeyn sababaha rasmiga ah ee...

War Deg-Deg ah:-Booliiska Kenya oo dilay Wiil

War -Dag-Dag ah:-(29/6/2010) Booliska kenya oo dil u gaystay wiil ku sugnaa goob ganacsi:-Warar daqiiqado ka hor na soo gaaray ayaa sheegaya in Booliiska Dalka Kenya ay Xaafada Islii ku dileen.Wararka na soo gaaraya ayaa sheegaya in Ciidamada Booliiska Dalka Kenya ay dil u geysteen gudaha Xaafada Islii wadada 7-Ka Ee Magaalada Nairobi.Qof goob jooge ah ayaa noo sheegay in wiilkan la dilay oo ku sugnaa Xaafada Islii gaar ahaan Wadada 7-Ka.wiilka la dilay ayaa la sheegayaa in uu ahaa muwaadin soomaaliyeed halka qaar dadka ka mid ahina ay sheegayaan inuu ahaa Oromo.si kastaba ha ahaatee Wiilka la dilay ayaa waxaa dilkiisa masuul ka ahaa Booliiska...

Wednesday, June 23, 2010

Julia Gillard oo reysal wasaaraha wadanka Australia loo doortay

Julia Gillard oo loo doortay reysal wasaaraha wadanka AustraliaJulia Gillard ayaa saakay kalmaddeedi ka soo horjeedisay dhammaan baarlamaanka waana hawaynaydii 1aad ee loo doorto raysal wasaare wadanka autralia iayadoo hormuud u ah xisbiga labor-ka oo saakay loogu doortay si aqlabiyad ah.Julia Gillard waa hawaynayda kaliya ee isku dayday inay reysal wasaare ka noqoto wadanka iyadoo ku guulaysatay Gillard, waxay horay u ahayd wasiirka waxbarashada ee australia iyadoo sidookale ahayd ku xigeenka raysul wasaaraha haatan looga badiyay codaynta ee Kevin Rud."waxaan rumaysnahay in qofkasta oo booskan jooga inuu noqonayo mid aad u buuxa layaab iyo...

Wasiirro Somaliland oo is casilay

wasiiro somaliland oo iska casilay jagadii wasiirnimo ee ay hayeen Hargeysa waxaa isku casilay casilay caawa (Arbaca) laba Wasiir oo ka tirsan dowladda Somaliland.Xasan Macallin oo ahaa Wasiirka Madaxtooyada iyo Axmed Cali Ubaxle oo ahaa Wasiirka Warshadaha ayaa labaduba is casilay.Waxay Wasiirradu ku tilmaameen in is casilaaddooda ay sabab u tahay in ay u arkeen murashaxooda, oo ahaa Madaxweyne Rayaale uu ula muuqday in uu ka gaabiyay tartanka.Wasiirrada waxaa hadalkooda ka dhadhameysa in ay u janjeeraan xagga xisbiga mucaaradka ah ee KULMIYE.Wasiirka Madaxtooyada iska casilay, Xasan Macallin waxaa tilmaamay in uu ahaa nin aad ugu dhow Madaxweynaha.Wasiirkii...

Qarax Khasaaro Dhimasho iyo Dhaawac sababay oo ka dhacay Bosaso

Qarax khasaare dhimasho iyo dhaawac sababay oo ka dhacay boosaaso xarunta G/Bari.Waxaa gelinkii dambe ee maanta qarax nooca bam gacmeedka ah lala beegsaday Ciidan ka tirsan kuwa amniga ee Dowladda Puntland,qaraxa ayaa ka dhacay wadada dheer ee laamiga gaar ahaan agagaarka Hoteelka Khaliij ee u dhow Shirkada Isgaarsiinta ee Golis.Wararka ayaa sheegaaya in Ciidanka lala beegsaday qaraxa ay ka yimaadeen degmada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar,waxaana ay saarnaayeen gaari nooca ay Soomaalida u taqaano Waaraadka.Qaraxa ka dib Ciidanka waxaa ay fureen rasaas,waxaana sidoo kale agagaarka goobta uu qaraxu ka dhacay laga qab qabtay oo la xiray dadka...

Tuesday, June 22, 2010

hooyadu waa lama huraan iyo Carays C Karshe (A.U.N)

waa inaan walaalayaal ku dadaalnaa Baarrinimada waalidka, hooyadana la maqlaa si aanu uhelno naxariista Eebe waayo Jannadu waxay tahay hooyada labadeeda cagood hoostooda,marka waa inaan noqonnaa Baarriyaal waalidkana u asxaan sameeya oo aanan caasini...

500 arday ayaa ufariistay imtixaanka Jaamacadda East Africa

500 arday ayaa u fariistay imtixaanka sanadkaan Jaamacadda East Africa ee magaalada garoowe Jaamacadda East Africa qaybteeda Garowe ayaa soo gabagabaysay sannad-dugsiyeedkii ugu horreeyay ee ka soo wareegay markii jaamacadda la furay sannadkii hor...

Monday, June 21, 2010

Kulan dhexmaray saraakiil Puntland iyo ciidanka NATO

Kulan dhexmaray saraakiil Puntland iyo ciidanka NATOSaraakiil ka tirsan maamulka Puntland ayaa xeebta Bosaso kula kulamay madaxda ciidamada la dagaallanka burcad-badeedka ee NATO ee ku sugan xeebaha ku aaddan Soomaliya waxana kuklankaas lagu soo qaaday iskaashi ay labada dhinac ka yeeshaan dagaalka lagula jiro burcadda badaha.Waa markii ugu horraysay ee saraakiisha NATO ay la kulmaan madax heer wasiir ah iyadoo ay horay ula kulmeen madaxda degmoyinka iyo gobollada oo ay wehliyaan odayaasha dhaqanka.Wasiirka dekedaha iyo gaadiidka badda ee Puntland Siciid Maxamed Raage oo warbaahinta uga waramayay kulankaasi ayaa waxa uu...

Kala qeybsanaanta Jabhadda ONLF oo sii korodhay

Waxaa waayahaan danbe sii kordhayay kala qeybsanaanta ka dhexjirta ONLF. Garab sheegtay inay ka tirsan yihiin ONLF ayaa heshiis la galay dowladda Ethiopia.Garabka ka mid ah ururka ONLF oo uu hoggaaminayo Salaaxudiin Xaaji Macow ayaa sheegtay inay iyagu yihiin ururka sharciga ah ee ONLF, waxayna sheegeen inay heshiis horudhac ah la galeen dowladda Ethiopia.Salaaxudiin Macow oo VOA-da la hadlay ayaa sheegay inay saraakiil Ethiopian ah heshiis kula saxiixdeen dalka Germany. Salaaxudiin wuxuu sheegay in heshiiskan marka uu dhaqan-galo uu ciidankiisa ku amri doono inay iska xaadiriyaan xeryo militari oo ku yaala guddaha gobollada Soomaali galbeed...

Bandhigga Buugga Burcad Badeedda Iyo Qoraa Sare Guruu Daahir

Buugaan ayaa loogu magac daray sidaad aragtaanba(Burcad Badeed) ,Waxaana lagu soo bandhigay maalinimadii Isniinta oo ku beegnayd 21/jun/2010 xaflad ka dhacday Hotelka Amal Plaza ee magaalada Bosaas...

Tuesday, June 15, 2010

Maxamed Nuur Fadal Taariikh kooban

Maxamed Nuur Fadal wuxuu ku dhashay kuna barbaaray Degmada Berbera xilli ku beegnaa 1885. Mas’uuliyiinta mustacmaraddii Ingriiska ee u fadhi jirtey Somaliland waxay isla markii ay heshiisyada la galeen odayaashii beelaha Somaliland 1884kii...

Madaxweynaha Puntland khudbadii uu Ka Jeediyey Furitaankii Kalfadhiga Baarlamaanka Puntland

Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud Faroole ayaa maanta si rasmi ah u furey kalfadhigii Baarlamaanka, Madaxweynaha ayaa halkaas ka jeediyey khudbad dheer oo qaadatay 35daqiiqo, waxaana uu ka hadley arimo badan oo ku saabsan arimaha gudaha ee Puntland iyo safaradii uu dalalka shisheeye ku tegay.Ugu horeyntii Madaxweynaha ayaa tacsi u direy Baarlamaanka Puntland xubnihii ka dhintey mudadii ay fasaxa ku maqnaayeen kuwaas oo qaarna la diley qaarna ay ku dhinteen shil gaari, Madaxweynaha ayaa sheegay in kuwo badan oo dilkaas geystey la hayo, waxaana rajayneynaa in ciqaabtooda la mariyo ayuu yiri.Safaradii DibaddaMadaxweynaha ayaa...

Wednesday, June 9, 2010

Mahiga oo Ergayga Somalia loo magacaabay

10/06/10 Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-moon ayaa Augustine Mahiga u magacaabay ergayga cusub ee Qaramada Midoobay ee dalka Somalia.Ergaygan cusub oo sidoo kale ah Safiirka Tanzania ee Qaramada Midoobay tan iyo sanadkii 2003, ayaa baddeli doono Axmadou Walad Cabdalla oo ahaa ergayga gaarka ah ee XGQM ee Somalia tan iyo bishii September 2007.Mr Mahiga waxaa uu ka hor intii uusan noqon safiirka Tanzania ee Qaramada Midoobay, xilal kala duwan ka soo qabtay hay'adda qaxootiga adduunka ee UNHCR, isagoo hay'addaasi uga soo shaqeeyay wadamo ay ka mid yihiin liberia, India, Italy, Malta, iyo kuwo kale.Sida lagu sheegay warbixinta magacaabistiisa,...

waa sidee Mawqifka Madaxtooyada Soomaaliya Ee Ku Aaddan Is-casilaadda Wasiirada?

June 10, 2010 Warbixinta hoose waxaa soo saaray xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya Shiikh Shariif, waxaana lagu tilmaamayaa mawqifka madaxweynuhu ka taagan yahay wasiirada is casiley:(Muqdisho, Soomaaliya, June 9, 2010) Kaddib markii ay shalay iyo maanta is casileen dhowr wasiir oo ka tirsan xukuumadda FKM ah, ayaa waxaa batay faallooyin ku saabsan arrintaas. Qaar ka mid ah saxaafadda iyo dadka siyaasadda taxliiliya ayaa is-casilaadda wasiirada ku macneeyeen in ay tahay mid Madaxtooyadu wax ka og tahay ama Madaxweynuhu uu ku doonayo in uu ku culaysiyo Wasiirka 1-aad.Waxan caddayneynaa in arrintaasi aysan sidaas u dhicin.Is-casilaadda wasiiradu,...

Tuesday, June 8, 2010

Hay’ada Nedsom oo dhalinyaradda Somalida KULAN U QABATAY

June 9, 2010 Hay’ada Soomaalida dalka Holland ee Nedsom ayaa kulan balaaran ee ku aadan Dhalinyaradda Soomaalida ku qabatay magaalada Hague ee xarunta Dowlada Holland, kulankaasi oo looga hadlay arrimaha Soomaalida ku dhaqan dalka Holland iyo doorashooyinka dhacaya maanta oo Arbaco ah.Kulankan oo ka dhacday Xarunta Concordia ee magaalada The Hague ayaa waxaa kasoo qeyb galay boqolaal dhalinyaradda Soomaalida ah ee dalka Holland ku dhaqan iyo waliba Wakiilada ka socda Xisbiyada Siyaasada ee dalka Holland ee hada xukuumada u tartamaya.Kulankan oo ah mid sanadle ah oo ay Hay’ada Nedsom qabato ayaa looga hadlaa xaalada Soomaalida ku dhaqan dalka...

Gudoomiye kuxigeenka labaad ee baarlamanka oo eedeyn dusha kaga tuuray xubnaha baarlamanka

Gudoomiye ku xigeenka labaad ee baarlamanka dowladda KMG Soomaaliya Axmed Dhimbil Rooble ayaa mushaar la’aanta baarlamanka heysata ku sheegay in ay ku timi wax qabad la’aan dhinaca xubnaha baarlamaanka ah.Gudoomiyaha oo wareysi siiyay Hornafrik ayaa tilmaamay in baarlamanka wax shaqo ah uusan qaban mudo ku dhow hal sano taasina ay keentay in hay’adihi musharaadka bixin jiray ay la laabtaan lacagahooda.Axmed Dhimbil ayaa ka dhawaajiyay in loo baahanyahay in dib u habeyn lagu sameeyo shuruucda u degsan baarlamanka, isalamarkaana xubnaha baarlamanka ay xil iska saaraan arimaha dalkooda.Hadalka kasoo yeeray gudoomiye ku xigeenka labaad ee baarlamanka...

Faysal Cali Waraabe oo soo gaaray Laascaano xarunta G/Sool

Waxaa goor dhow oo sakey ah soo garey magalada Las Caanood ee Gobolka Sool Gudoomiyha Xisbiga UCID Feysal Cali Waraabe oo ku jira Ololaha Doorashada Madaxweynha Somalilanda kaas oo la filayao in uu dadka reer lascanood doonayo in uu kala hadlo in ay u codeeyaan Xisbigiisa hadii ay doortan uu wax weyn u qaban doono reer laascaanood.Sida uu shegay Nuur Aadan oo ah Xoghayaha Xisbigaas ee Laascaanood ayaa shegay in ay soo dhaweeyeen 10 kun oo iskugu jira ag iyo haween iyo waliba ururada bulshada oo ku qeylinayey Madaxweyne feysal.Ugu danbeyntiina waxaa uu la hadaley Feysal cali waraabe Dadweynihii iskugu soo baxaley goobta lagu soo dhoweynayey waxan...

Joe Biden iyo booqashadiisa kenya

Madaxweyne ku xigeenka waddanka Mareykanka Joe Biden ayaa laba maalmood oo booqasho ah uga bilaabatay Kenya.Joe Biden waxaa lagu wadaa inuu la kulmo Madaxweynaha Waddanka Kenya Mwai Kibaki iyo Raiisul Wasaaraha Raila Odinga. Arrimaha ay ka wada hadli doonaan waxa ay u badan yihiin kuwa gobolka, gaar ahaan xaaladda ammaan iyo bini'aadanimo ee sii xumaaneysa ee waddanka deriska ah ee Soomaaliya. Madaxweyne ku xigeenka Mareykanka waxaa la filayaa inuu cadaadis ku saaro dowladda Kenya inay dhaqan geliso isbeddel siyaasadeed, kadib rabshadihii ka dhacay doorashooyinkii la isku khilaafay ee Kenya laba sano ka hor. Mr Biden ayaa socdaalkiisa uu ku marayo...

Madaxwayne Faroole oo ka soo dagay xarunta P/L ee garoowe

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr.Cabdiraxmaan Sheikh Maxamed Maxamuud ayaa galabta soo gaaray magaalada Garoowe ee caasimada Puntland,ka dib markii uu kasoo ambabaxay magaalada Jabuuti isaga iyo wefdi uu hogaaminaayo.Wefdiga Madaxweynaha waxaa garoonka Konacco kusoo dhoweeyey Madaxweyne Kuxigeenka Jenraal Cabdisamad Cali Shire, Guddoomiyaha Baarlamaanka Cabdirashid Maxamed Xirsi iyo xubno ka socday Xukuumada iyo Baarlamaanka.Markii wefdigu soo gaarey madaxtooyada ayaa waxaa halkaas warbixin kooban ku siiyey Madaxweyne ku xigeenka Puntland Gen.Cabdisamad Cali Shire.Madaxweyne kuxigeenka ayaa soo hadal qaaday howlgal ay Ciidanka Puntland kusoo...

Isbahaysigii u Dhexeeyey Turkiga iyo Israel oo Burburay

Qiyaastii 20 sano xiriir iskaashi ah oo u dhexeeyey dalalka Turkiga iyo Israel ayaa burbur ku dhamaadey. Dadka ka faalooda siyaasadda bariga dhexe ayaa sheegaya in dawladda Israel ay tahay mida ku khasaartey weerarkii ay ku qadeen Markabkii gargaarka u sidey dhulka Israel ay go’doonka ka dhigtey ee GAZA.Dalka Turkigu maaha dal aad u sahlan, waa dal ka tirsan gaashaanbuurta NATO, dadkiisuna gaarayo 73 milyan oo qof, waxaana uu ahaa dal ay kala dhexayso Israel xiriir wanaagsan kaas oo leh mid dhaqaale iyo mid mileteri, xiriirka labada dal ayaa ahaa mid weli wanaagsanaa tan iyo markii ciidamada Israel ay weerarka qaawan ku qaadeen Markabkii “Mavi...

Monday, June 7, 2010

Madaxweynaha Soomaaliya Shiikh Shariif oo Dalacsiiyey Saraakiil Mileteriga Ka Tirsan

Madaxweynaha dawladda ku meelgaarka ah ee Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed ayaa maanta derajooyin ku xirey 87 sarkaal oo ka tirsan ciidanka xooga dalka Soomaaliya, kuwaas oo la sheegay in ay muteysteen in la dalacsiiyo.Saraakiishan ayaa waxaa dhawaan u soo dhamaadey tababar dhanka ciidanka ah.Munaasabada saraakiisha lagu dalacsiiyey ayaa waxaa ka hadley Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliya Gen.Kaahiye, waxaana uu amaan u jeediyey saraakiisha cusub, sidoo kale waxa uu mahad u celiyey Madaxweyha, derajooyinka uu siiyey ciidanka.Madaxweyne Shariif oo goobta ka hadley ayaa saraakiisha ugu baaqey in ay ka soo baxaan hawlaha shaqo ee horyaala,...

Soomaali badan oo ka qayb qaatey mudaaharaad looga soo horjeedo Israel, oo ka dhacay London

Waxaa lagu qabtey magaalada London banaanbax looga soo horjeedo falkii foosha xumaa ee ay geysteen ciidamada Israel ee commandos ah’ falkaa oo ay la beegsadeen markabkii FOTILA.Ciidamada Israel ayaa xasuuq arxan daro ah u geystay qaar kamid ah dadkii mutadawiciinta ahaa ee ka kala yimid dunida daafheeda, markabka FOTILA oo ay saarneeyeen mucaawino iyo gar-gaar kala duwan ayaa lagu weerarey biyaha caalamiga iyadoo caalamku la yaabeen sababta ku qasbtey ciidamada Israel falkan foosha xun.Hadaba Mudaharaadkan ayaa ka bilowdey xafiiska Raisal-wasaaraha dalka N10,Dowining Street iyadoo dadku socod ku mareen bartmaha London ayaa ku dhamaadey safaaradda...

Dab Qabsaday Xero Qaxooti Oo Ku Yaalla Bosaaso (Sawiro)

Waxaa saaka dab xoogan qabsaday mid ka mid ah xeryaha qaxootiga ee ku yaalla magaalada Bosaaso halkaas oo ay deganyihin dad kasoo barakacay dagaalada ka soconaaya gobolada Koonfureed ee dalka.Dabka ayaa ka kacay qaybo ka mid ah xerada Buulo Eelay oo ku yaalla Bariga Magaalada Bosaaso,waxaana uu socday mudo ku dhow 15-daqiiqo sida ay Horseed Media u sheegeen dad goobjoogeyaal oo ay kula kulantay halkaasi.Dadweynaha ku dhaqan xaafadaha ka agdhow xeradaas ayaa gurmad xoogan soo bixiyey,waxaana ay ku guuleysteen in ay si wadajir ah u damiyaan dabka oo laga cabsi qabay inuu u si fido xaafadaha kale.Masuuliyin ka tirsan degmada Bosaaso oo u horkacaayay...

Shariif Xassan Oo U Duulay dalka Kenya

Guddoomiyaha Baarlamaanka Dowladda Federaalka ee Soomaaliya oo dhowaan la doortay Shariif Xassan Sheikh Aadan ayaa maanta ka duulay magaalada Muqdisho isagoo kusii jeeda magaalada Nairobi ee dalka Kenya.Safarka Guddoomiyaha oo aan hore loo si shaacin ayaa waxaa la sheegay in ay ku weheliyaan tiro Xildhibaano ah oo ka tirsan Baarlamaanka,waxaana aan la ogeyn ujeedada Safarkiisa.Safarka Shariif Xassan ee magaalada Nairobi ayaa noqonaaya kii ugu horeeyey uu dalka dibadiisa ku tego tan iyo markii loo doortay jagada Guddoomiyaha Baarlamaanka.Baarlamaanka Federaalka ayaa labadii maalmood lasoo dhaafay fadhi ku lahaa guriga golaha shacabka ee Muqdisho,waxaana...

Sarkaal Lagu Dilay Degmada Xarfo Ee Gobolka Mudug.

Guddoomiyaha degmada Xarfo ee Gobolka Mudug Cabdulaahi Faarax Bayle oo u waramayay warbaahinta maxaligaa ayaa sheegay in dilka marxuumka geeriyooday oo lagu magacaabi jiray Cali Aadan Diiriye Dhabarle uu yimi ka dib markii laba nin oo hubaysan ay rasaas madaxa kala beegsadeenay shaly galinkii dambe,xilli uu ku sugnaa gudaha degmada Xarfo ee Gobolka Mudug.Cabdulaahi Faarax ayaa sheegay in kooxahaasi markii dilka ay gaysteen ay isaga baxsadeen goobtaasi,isla markaasina Ciidamada amaanka degmada xarfo iyo kuwa daraawiishata Puntland ay waqtigan ku daba jiraan gacan ku dhiiglayashaasi.Waxaa uu intaasi ku daray in uusan garan karin sababta ka dambaysa...

Alla nabaddu macaana ka bogasho wacan

Nabaddu waa muhiim waana mid aanu dadku la'aanteen uusan noolaankarin oo uuna wax qabsankarin ama uusan hoyankarin nabad la'aan waa nolol la'aan ayay soomaalidu horay u tiri iyo nabadbaa naas la nuugo lehhaddaba waa in lagu tallaabsadaa sidii nabad loo raadinlahaa ballanteenu waa badbaadiya bulshada kana bogasho wacan ayaan idin leeyahay.BY:Bashir D DhabayacoMel-Austra...

Sunday, June 6, 2010

Meydadka Askartii AMISOM ee Lagu Dilay Muqdisho Oo Loo Duuliyey dalka Uganda

Meydadka labo askari oo ka tirsan Ciidanka AMISOM ee ku sugan magaalada Muqdisho una dhashey dalka Uganda ayaa loo duuliyey dalkoodi Hooyo ayadoo dhowaan lagu wado in loo sameeyo aas qaran oo ay kasoo qaybgali doonaan qaar ka mid ah masuuliyinta Dowladda Uganda.Afhayeenka Ciidanka dalka Uganda Col.Felix Kulayige ayaa sheegay in askartaas lasoo gaarsiiyey magaalada Kampala gelinkii dambe ee sabtida,waxaana iminka socda qaban qaabo lagu doonaayo in la aaso,sidoo kalena ay Dowladda doonayso in ay magdhow lacageed siiso qoysaska ay ka geeriyoodeen.Saraakiisha AMISOM ayaa iyagu xaqiijiyey dilka labada askari oo ay sheegeen in ay dileen kooxaha mucaaradka...

Kenya Oo Sheegtay In ay Ka Hortagayso Weerarkasta oo Uga Yimaada Al-Shabaab

Guddoomiyaha gobolka Waqooyi Bari ee Kenya David Ole Serian ayaa ka hadlay weerar dhowaan maleeshiyo taabacsan Xarakadda Al-Shabaab ay kusoo qaadeen qaybo ka mid ah gobolkaas gaar ahaan tuulooyin ku yaalla xadka Soomaaliya iyo Kenya oo ay ku dhaawaceen inka badan 5-qof.Wuxuu sheegay weerarkaas ka dib maamulka gobolka Waqooyi Bari uu heegan geliyay amniga xadka Soomaaliya ula wadaago,ayadoo Ciidamada Amniga ay howlgalo ay kusoo sugayaan amniga sameyaan.”..Dadkeena in sabab la’aan u cabsadaan ma ahaan.Ciidankeena amaan heegan aad u sareeya ayay ku jiraan,waanu difaaci doona dalkeena.qayb ka mid ah wadankeena ma noqon doono goob ka socda dagaalka...

Freed activist to sue Israel

Nour Choudhury was on board the Gaza Freedom Flotilla A recently-freed activist from Israeli custody insists on taking legal action against the Tel Aviv regime for the ordeal he has gone through on board the Gaza-bound Freedom Flotilla. Nour Choudhury, one of the international activists detained by Israeli forces during an armed assault on an aid convoy destined for the besieged Gaza strip, said in an exclusive interview with Press TV that Israeli commandos assaulted the convoy during morning prayers and kept on shooting even after everyone stopped resisting. "Once they started to come into the boat, they were firing rubber bullets and stun grenades," he said. "At the same time the helicopters were coming down. The helicopters were shooting at the civilians on board." He emphasized that as...

Ururada Xuquuqal-Insaanka oo Maamulka S/Land ku eedeeyay carqaladaynta Ololaha Doorashada

Hargeysa - Isbahaysiga dhex-dhexaadka ah ee Ururrada Xuquuqda Aadamiga Somaliland oo magaciisa loo soo gaabiyo SOHIRA-Net, kaas oo ay ku bahoobeen 22 urur bulsho oo ka shaqeeya horumarinta iyo ilaalinta xuquuqda iyo xoriyadaha aasaasiga ee aadamiga, ayaa sheegay in caqabado soo waajaheen Ololaha Doorashada ee dalka.Isbahaysigan Ururadda Xuquuqda Aadamigu waxa ay sidan ku sheegeen warsaxaafadeed ay soo saareen maanta oo uu ku saxeexan yahay Afhayeenka Isbahaysigaas Saleebaan Ismaaciil Bulaale (Saleebaan Xuquuq), waxaanu u dhignaa Warsaxaafadeedkaas oo dhamaystirani sidan:"Isbahaysiga dhex-dhexaadka ah ee Ururrada Xuquuqda Aadamiga Somaliland oo magaciisa loo soo gaabiyo SOHIRA-Net, waxay si wadajir ah qaylo dhaan u dirayaan si ay ugu muujiyaan falal xadgudub ku ah xeerka doorshadda madaxtooyadda...

Qof kastow waxaad ka tahay mas'uul ee la soco!!!.

walaalayaal bal eega dadkeeni iyo dalkeeni waxa haatan uu ku suganyahay waxaana meeshaa dhigay waa isla innaga ee maaha wax meel kale inooga yimid haddaba ruux walbow iswaydii intee ayaad mas'uuliyad ka qaadan kartaa oo aad wax ka gaysankartaa dhibaatada in la damiyo waa dhab haddaynu isku tanaasulno oo aan is maqalno oo aan is aaminno in ay in badan hagaagayaan ilaahna uu qalbigeena iyo camalkeena is lahaysiinayo waa haddaynu ka dhab sheegayno taa dhalinyarow ogsoonaada adinku waxaad tihiin laf dhabarkii ummadda wax badanna waad ka qabankartaa waayo Ummadi waa dhalinyaradeeda ee usoo kaca dadka iyo dalkaba.bal ila daawada filimkaan aan idin xasuusiyo dhibaatada dadkeena iyo dalkeena iyo dhallaankeenaba haysata "intii ka danqanaysaan darensiin doqoni yeelkeede,daawo damiirkaaga dhaqaa...

Guddoomiye Kuxigeenka Labaad ee Baarlamaanka Soomaaliya Oo La Doortey

Doorashada Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Baarlamaanka Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa soo gaba gaboobday,waxaana jagadaasi ku guuleystay Xildhibaan Axmed Dhimbil Rooble.Musharixin gaaraya 9-musharax ayaa xilkaasi u tartamaysay,waxaana doorashada la isla gaaray wareega saddexaad oo ay iskusoo hareen Xildhibaan Axmed Dhimbil iyo Xildhibaan Cismaan Cilmi Boqore oo ahaa Guddoomiye kuxigeenki balse iska casilay.Guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xassan Sheikh Aadan ayaa ku dhawaaqey natiijada doorashada codeynta ka dib,wuxuuna sheegay in Xildhibaan Axmed Dhimbil uu helay codad gaaraya 208-cod halka Xildhibaan Cismaan Cilmi Boqore uu helay 80-cod.Waxaana sidaas ku guuleystay xilka Guddoomiye kuxigeenka Mudane Axmed Dhimbil Rooble oo isla markii loo dhaariyey xilkiisa.Shalay ayay ahayd markii...

Burcad dhac ka geysata wadada isku xirta Matabaan iyo Kalabeyr

Cabasho xooggan ayaa kasoo yeereysa wadayaasha gaadiidka ka shaqeeya wadada isku xirta Gobolka Hiiraan iyo gobolada dhexe ee soomaaliya kadib markii wadada isku xirta degmada Matabaan iyo isgoyska ay kusoo bateen kooxaha dhaca geysta.Xiliyada habeenki ayey wadayaashu sheegeen in bur cad hubeysan ay wadada soo gaalaan dadka iyo gaadiidkana ka qaata waxa ay wataan.Darawalada gaadiidka ka shaqeeya wadadaasi ayaa maamulka Xisbul-islaam ee gobolka hiiraan ka codsaday in ay wax ka qabtaan dhibaatada wadaasi ka taag...

kulan u dhaxeeya Masuuliyin ka tirsan Puntland iyo Saraakil Itoobiyaan ah Oo Ka dhacay Duleedka Buuhoodle

Masuuliyin ka socota maamulka Puntland oo isugu jira Wasiiro,Xildhibaano,maamulka gobolka Ceyn ee Puntland iyo Saraakiil ka socotay Dowladda Itoobiya ayaa maanta kulan ku yeeshay xero ay iska leeyihin Ciidamada Itoobiya oo ku taalla xad beenedka ay wadaagaan Itoobiya iyo degmada Buuhoodle,wuxuuna kulankaasi socday inka badan labo saacadood.Guddoomiye kuxigeenka gobolka Ceyn ee Puntland Maxamuud Sheikh Cumar oo u waramayay saxaafadda kulankaasi ka dib ayaa sheegay in masuuliyinta ka qaybgashay ay hor kacayeen Wasiirka Kallumaysiga iyo Kheyraadka Badda Puntland Maxamed Faarax Aadan iyo Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Baarlamaanka Puntland Xaaji Xuseen Yaasin.Waxaa uu intaasi ku daray in kulankaasi uu salka ku hayay sidii Dowladda Itoobiya iyo Dowlada Puntland ay uga wada shaqayn lahaayeen amaanka...

Doorashada Gudoomiye ku xigeenka 2-aad ee baarlamaanka DF oo loo gudbay wareegii 3aad

Muqdisho:-Waxaa ka socda maanta Golaha Shacabka doorashada gudoomiye ku xigeenka 2-aad ee baarlamaanka DFKM waxaana si weyn amaanka golaha shacabka aad u sugaya ciidmada AMISOM iyo kuwa DFKM.Waxaa u tartamaya gudoomiye ku xigeenka 2-aad ee baarlamaanka DFKM ilaa 9 musharax oo ka tirsan baarlamaanka DFKM .Warar hordhac ah oo naga soo gaaraya xarunta golaha shacabka ayaa sheegya in haatan la soo afmeeray wareegii 1aaad waxaana ugu horeeya Xildhibaan Cusmaan Cilmi boqore wuxuuna helay 105 cod, isagoo si toos ah ugu gudbay wareega 3aad ee doorashda.Xildhibaan Axmed dhinbil Rooble ayaa isana galay kaalinta labaad ee doorashda wareega labaad ee doorashada gudoomiye ku xigeenka 2aad ee barlamaanka Soomaaliya, wuxuuna helay 86 cod.Xildhibaan C/laahi Abyan Nuur oo tartanka ayaa isna helay 76 cod, isagoo...

Pages 381234 »

Astaanta Horyaal Waa Hiigsiga Nabadda Soomaaliya

Bashir Dahir Dhabayaco allhoryaal Copyright © 2007-2016

.

wararkii ugu danbeeyey