War -Dag-Dag ah:-(29/6/2010) Booliska kenya oo dil u gaystay wiil ku sugnaa goob ganacsi:-
Warar daqiiqado ka hor na soo gaaray ayaa sheegaya in Booliiska Dalka Kenya ay Xaafada Islii ku dileen.
Wararka na soo gaaraya ayaa sheegaya in Ciidamada Booliiska Dalka Kenya ay dil u geysteen gudaha Xaafada Islii wadada 7-Ka Ee Magaalada Nairobi.
Qof goob jooge ah ayaa noo sheegay in wiilkan la dilay oo ku sugnaa Xaafada Islii gaar ahaan Wadada 7-Ka.
wiilka la dilay ayaa la sheegayaa in uu ahaa muwaadin soomaaliyeed halka qaar dadka ka mid ahina ay sheegayaan inuu ahaa Oromo.
si kastaba ha ahaatee Wiilka la dilay ayaa waxaa dilkiisa masuul ka ahaa Booliiska Dalka Kenya kuwaasi oo la sheegay in ay ugu galeen goob ganacsi oo uu lahaa wiilka la dilay ka dibna uu hadal dhexmaray isagoo ku yiri maxaa cadaynaya inaad boolis tihiin kadibna ay mid kamida isku dhaceen oo rasaas ay la beegsadeen.
Sida warka nagu soo gaaray Ciidanka Booliiska waxa ay Wiilkaasi ku dul dhajiyeen Waraaq ay ku sheegayaa in uu yahay nin Tuug ah taasi oo aan la ogayn sababta keentay.
booliska dilka gaystay ayaa ahaa 2nin oo ah kuwa loo yaqaanno C.I.D-da kenya kadibna ay carareen raggaasi .
waxii ka soo kordha waan idiin soo gudbinaynaa in sha allah
allhoryaal
NBI -Kenya
Tuesday, June 29, 2010
War Deg-Deg ah:-Booliiska Kenya oo dilay Wiil
Astaanta Horyaal Waa Hiigsiga Nabadda Soomaaliya
wararkii ugu danbeeyey
-
Careys Ciise Kaarshe oo ahaa saaryahan weyn oo Soomaaliyeed wuxuu ku dhashay " La-helay " oo ku taal Gobolka Jubada Hoose, 20km K...
-
Gabayada afsoomaliga lama yaqaan sida uu u bilawday sida afka soomaliga oo kale laakiin waxa macruuf ah in gabayga soomaliga ah uu...
-
Buugaan ayaa loogu magac daray sidaad aragtaanba(Burcad Badeed) ,Waxaana lagu soo bandhigay maalinimadii Isniinta oo ku beegnayd 21/jun/2010...
-
Gabaygan DOOG-KICIYE waxa uu jawaab u yahay gabaygii ka horreeyey ee DARBADAALEY haddaba Maansadan aad ayay intaan uga badan tahay. Sidii ...
-
Dhammaan waxaan ogaysiinayaa asxaabta in aan dibu habayn aan ku wadno webkaan lana casriyaynayo in sha Allaah oo aad kaga bogan doontaan arr...
-
Arligaygow Farax Murtile iyo Baafin Haybad waxaad ku leedahay Dh/Hooyo Nabadeey Macaaney Neecaw Udgooney B D Dhabayaco Allhoryaal Melbo...
-
Munaasabada lagu furaayay Ciyaaraha gobolada dalka Soomaaliya ayaa lasoo gaba gabeeyey iyadoo ay si toos ah u bilaabmatay Ciyaartii ugu hore...
-
Madaxweynaha dalka Liberia ayaa si rasmi ah u sheegtay in dalkaas diyaar u yahay inuu ka qayb qaato wax ka qabashada xaaladda ka ta...
-
Naadigaan oo lagu magacaabo comsed international waxaa la,aas aasay sanadku markuu ahaa 1995 waxaana laga aas,aasay magaalada gaalkacyo w...



0 Ra'yi ka dhiibo:
Post a Comment
Halkaan Ku cabbir Ra'yigaaga adoon cidna duraynin.