Labo Nin oo looga shakiyey in ay xirrir la leeyihin Ururka Al-Qaacida ayaa lagu xirey garoonka diyaaradaha John F.Kennedy ee magaalada New York,waxaana la sheegay in ay kusii jeedeen dalka Soomaaliya si ay ula kulmaan Kooxaha Islaamiyinta.
Xilliga xariga loo geysanaayay ayaa la sheegay in ay u duuli lahaayeen dalka Masar,waxaana ay yihin rag dhalinyaro ah ayadoo da’adooda lagu sheegay in ay kor u dhaaftay 20-sano.
Saraakiisha Booliska garoonka diyaaradaha ayaa si hoose qaar ka mid ah warbaahinta u sheegay in ay ka yimaadeen gobolka New Jersey,waxaana ay haystaan dhalashada wadanka Maraykanka.
Labadaas nin ayaa baaritaan lagu hayay tan iyo sanadkii 2006-dii,Booliska ayaa guriga ay deganayeen kasoo saareen Waraaqo,Kumbuyutaro iyo qalab kale ka dib markii ay baaritaan ku sameyeen xarigooda ka dib.
Xafiiska Xeer ilaaliyaha Maraykanka ayaa xaqiijiyey xarigooda,waxaana lagu wada maalinimada beri ay kasoo hormuuqdaan maxkamada magaalada Newark ee gobolka New Jersey.
Wararka ayaa intaa ku daraaya in ragaasi ay iyagu qorsheynaynin in ay weerar ka geystaan dalka Maraykanka balse ay rabeen in ay ku biiraan dhaq dhaqaaqa Al-Shabaab ee ka dagaalama dalka Soomaaliya.
ALLhoryaal
Melb-Australia
Sunday, June 6, 2010
Dalka Maraykanka Oo Lagu Xiray Rag La Sheegay in ay Kusoo jeedeen dalka Soomaaliya
Astaanta Horyaal Waa Hiigsiga Nabadda Soomaaliya
wararkii ugu danbeeyey
-
Careys Ciise Kaarshe oo ahaa saaryahan weyn oo Soomaaliyeed wuxuu ku dhashay " La-helay " oo ku taal Gobolka Jubada Hoose, 20km K...
-
Gabayada afsoomaliga lama yaqaan sida uu u bilawday sida afka soomaliga oo kale laakiin waxa macruuf ah in gabayga soomaliga ah uu...
-
Buugaan ayaa loogu magac daray sidaad aragtaanba(Burcad Badeed) ,Waxaana lagu soo bandhigay maalinimadii Isniinta oo ku beegnayd 21/jun/2010...
-
Gabaygan DOOG-KICIYE waxa uu jawaab u yahay gabaygii ka horreeyey ee DARBADAALEY haddaba Maansadan aad ayay intaan uga badan tahay. Sidii ...
-
Dhammaan waxaan ogaysiinayaa asxaabta in aan dibu habayn aan ku wadno webkaan lana casriyaynayo in sha Allaah oo aad kaga bogan doontaan arr...
-
Arligaygow Farax Murtile iyo Baafin Haybad waxaad ku leedahay Dh/Hooyo Nabadeey Macaaney Neecaw Udgooney B D Dhabayaco Allhoryaal Melbo...
-
Munaasabada lagu furaayay Ciyaaraha gobolada dalka Soomaaliya ayaa lasoo gaba gabeeyey iyadoo ay si toos ah u bilaabmatay Ciyaartii ugu hore...
-
Madaxweynaha dalka Liberia ayaa si rasmi ah u sheegtay in dalkaas diyaar u yahay inuu ka qayb qaato wax ka qabashada xaaladda ka ta...
-
Naadigaan oo lagu magacaabo comsed international waxaa la,aas aasay sanadku markuu ahaa 1995 waxaana laga aas,aasay magaalada gaalkacyo w...



0 Ra'yi ka dhiibo:
Post a Comment
Halkaan Ku cabbir Ra'yigaaga adoon cidna duraynin.