Meydadka labo askari oo ka tirsan Ciidanka AMISOM ee ku sugan magaalada Muqdisho una dhashey dalka Uganda ayaa loo duuliyey dalkoodi Hooyo ayadoo dhowaan lagu wado in loo sameeyo aas qaran oo ay kasoo qaybgali doonaan qaar ka mid ah masuuliyinta Dowladda Uganda.
Afhayeenka Ciidanka dalka Uganda Col.Felix Kulayige ayaa sheegay in askartaas lasoo gaarsiiyey magaalada Kampala gelinkii dambe ee sabtida,waxaana iminka socda qaban qaabo lagu doonaayo in la aaso,sidoo kalena ay Dowladda doonayso in ay magdhow lacageed siiso qoysaska ay ka geeriyoodeen.
Saraakiisha AMISOM ayaa iyagu xaqiijiyey dilka labada askari oo ay sheegeen in ay dileen kooxaha mucaaradka xilli ay weeraro madaafic ay kusoo qaadeen xarunta madaxtooyada Villa Soomaaliya oo ay ilaalo ka hayeen.
Col.Kulayige ayaa intaa ku daray in shan kale oo Askari oo dhaawac ah la geeyey magaalada Nairobi oo iminka lagu dabiibaayo dhaawaca soo gaaray.
Tirada Ciidanka dalka Uganda ka socda ee ku sugan magaalada Muqdisho ee xarunta dalka soomaaliya ilaa hadda inta laga dilay ayaa gaaraysa 13-askari.
ALLHORYAAL
MUQDISHO
Sunday, June 6, 2010
Meydadka Askartii AMISOM ee Lagu Dilay Muqdisho Oo Loo Duuliyey dalka Uganda
Astaanta Horyaal Waa Hiigsiga Nabadda Soomaaliya
wararkii ugu danbeeyey
-
Careys Ciise Kaarshe oo ahaa saaryahan weyn oo Soomaaliyeed wuxuu ku dhashay " La-helay " oo ku taal Gobolka Jubada Hoose, 20km K...
-
Gabayada afsoomaliga lama yaqaan sida uu u bilawday sida afka soomaliga oo kale laakiin waxa macruuf ah in gabayga soomaliga ah uu...
-
Buugaan ayaa loogu magac daray sidaad aragtaanba(Burcad Badeed) ,Waxaana lagu soo bandhigay maalinimadii Isniinta oo ku beegnayd 21/jun/2010...
-
Gabaygan DOOG-KICIYE waxa uu jawaab u yahay gabaygii ka horreeyey ee DARBADAALEY haddaba Maansadan aad ayay intaan uga badan tahay. Sidii ...
-
Dhammaan waxaan ogaysiinayaa asxaabta in aan dibu habayn aan ku wadno webkaan lana casriyaynayo in sha Allaah oo aad kaga bogan doontaan arr...
-
Arligaygow Farax Murtile iyo Baafin Haybad waxaad ku leedahay Dh/Hooyo Nabadeey Macaaney Neecaw Udgooney B D Dhabayaco Allhoryaal Melbo...
-
Munaasabada lagu furaayay Ciyaaraha gobolada dalka Soomaaliya ayaa lasoo gaba gabeeyey iyadoo ay si toos ah u bilaabmatay Ciyaartii ugu hore...
-
Madaxweynaha dalka Liberia ayaa si rasmi ah u sheegtay in dalkaas diyaar u yahay inuu ka qayb qaato wax ka qabashada xaaladda ka ta...
-
Naadigaan oo lagu magacaabo comsed international waxaa la,aas aasay sanadku markuu ahaa 1995 waxaana laga aas,aasay magaalada gaalkacyo w...



0 Ra'yi ka dhiibo:
Post a Comment
Halkaan Ku cabbir Ra'yigaaga adoon cidna duraynin.