Sunday, June 6, 2010

28qof oo lagu dilay Muqdisho

Dagaalka oo bilowday aroortii hore ee saaka (Khamiis) ayaa waxaa uu hadda xooggiisu ka socdaa degmooyinka Cabdicasiis, Kaaraan, Shibis iyo Hawl-Wadaag waxana dhinacyada dagaallamaya ay adeegsanayaan madaafiic, hoobiyayaal iyo qoryaha fudud ee darandoorriga u dhaca.

Sarkaal ka tirsan kooxaha gaadiidka gurmadka deg degga ah ayaa BBC u sheegay in ay qaadeen dhaawaca in ka badan 40 qof.

Sarkaalku wuxuu kaloo xaqiijiyay dhimashada 11 ruux oo u badnaa rayid hubka la isku ridayo xaafadahooda uu ku gaaray.

Waxaa laga cabsi qabaaa in dhimashada iyo dhaawacuba ay sii kordhaan maadaama uu dagaalkii weli socdo.

Dagaalka maanta ayaa u muuqda mid qorsheysan oo ay qaadeen ciidamada dowladda waxaana maalmihii u dannbeeyay la arkayay ciidamo ka tirsan kuwa dowladda oo loo daadgureyno aagagga hore ee dagaalka.

Dhaawcyada ugu badan waxa la gaarsiiyay isbitaalka Keydsaneey ee duleedka degmada Kaaraan oo ay maamusho Bisha Cas ee Soomaaliyeed.

Allhoryaal
Muqdisho

0 Ra'yi ka dhiibo:

Post a Comment

Halkaan Ku cabbir Ra'yigaaga adoon cidna duraynin.

Astaanta Horyaal Waa Hiigsiga Nabadda Soomaaliya

Bashir Dahir Dhabayaco allhoryaal Copyright © 2007-2016

.

wararkii ugu danbeeyey