Sunday, June 6, 2010

Xeer ilaaliyaha guud ee DFKM C/laahi Daahir Barre oo sharci daro ku tilmaamay doorasho shalay dhacday

Muqdisho:-Xeer ilaaliyaha guud ee DFKM C/laahi Daahir Barre ayaa waxaa uu ku til maamay doorshadii shalay ay xubnaha Golaha baarlamaanka DFKM ay ku dorteen gudoomiye ku xigeenka koowaad ee baarlamanka mid garab marsan axdi qarameed ka u degsan DFKM.

Xeer Ilaaliyaha DFKM C/laahi Daahir Barre ayaa waxaa uu ku tilmaamay wax laga xumaado in golihii sharci dejinta ee Baarlamaanka ay ku xad gudbaan sharciga iyo Axdi qarameedkii u degsanaan DFKM , Xeer Ilaaliyaha ayaa waxaan uu xusay in sharciga lala tiigsan doono cid walba oo ku lug lahayd doorashaadii shalay ka dhacday guriga Umadda.

Xeer ilaaliyaha DFKM C/laahi Daahir Barre ayaa ku nuux nuuxsaday in doorashadii shalay lagu doortay gudoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka ay tahay mid horseedi karta khilaaf iyo fowdo arimkaas oo salka la geli doona in wasiirada ay xitaa xilalkooda isku qabsan doonaan.

gudoomiye ku xigeenka koowad ee DFKM Prof Dalxa ayaa shalay saxaafada ka sheegay in ay waxba ka jirin doorashada shalay ka dhacday guriga Ummadda sharcigana aysan waa faqsanayn isagana uu yahay gudoomiye ku xigeenka koowad ee baarlamaanka ee sharciga ah.

HORYAAL
Muqdisho

0 Ra'yi ka dhiibo:

Post a Comment

Halkaan Ku cabbir Ra'yigaaga adoon cidna duraynin.

Astaanta Horyaal Waa Hiigsiga Nabadda Soomaaliya

Bashir Dahir Dhabayaco allhoryaal Copyright © 2007-2016

.

wararkii ugu danbeeyey