Tuesday, June 15, 2010

Madaxweynaha Puntland khudbadii uu Ka Jeediyey Furitaankii Kalfadhiga Baarlamaanka Puntland

Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud Faroole ayaa maanta si rasmi ah u furey kalfadhigii Baarlamaanka, Madaxweynaha ayaa halkaas ka jeediyey khudbad dheer oo qaadatay 35daqiiqo, waxaana uu ka hadley arimo badan oo ku saabsan arimaha gudaha ee Puntland iyo safaradii uu dalalka shisheeye ku tegay.

Ugu horeyntii Madaxweynaha ayaa tacsi u direy Baarlamaanka Puntland xubnihii ka dhintey mudadii ay fasaxa ku maqnaayeen kuwaas oo qaarna la diley qaarna ay ku dhinteen shil gaari, Madaxweynaha ayaa sheegay in kuwo badan oo dilkaas geystey la hayo, waxaana rajayneynaa in ciqaabtooda la mariyo ayuu yiri.

Safaradii Dibadda

Madaxweynaha ayaa ka hadley safaradii tirada badnaa ee isaga iyo wasiiradiisu ay ugu baxeen dalalka deriska ah iyo kuwo fogba, safaradaas ayuu sheegay in qaarkood ay salka ku haysey dad cadow u ah Soomaaliya in ay dalka ka shaqeysteen isla markaana ay faafiyaan arimo siyasadeed, oo Puntland liddi ku ah, waxaana laga dhigtey Soomaaliya mashruuc iska taagan, in aan arimahaas ka daba tagno lagama maarmaan ayey ahayd in aan meel ku ogaano.

Itoobiya

Ugu horeyntii waxa uu ka hadley safarkii Itoobiya oo uu sheegay oo arimo muhim ah in ay inagala dhexeeyaan, waana muhim in aan xiriikraas joogteyno, waxaana dhawaan u safraaya Madaxweyne ku xigeenka Puntland iyo wefdi uu hogaaminaayo si xiriirka Itoobiya iyo Puntland loo adkeeyo isla markaana loo gala hadlo arimihii u danbeeyey.

Kenya

Madaxweynaha ayaa sidoo kale ka hadley socdaalkii uu ku tegay dalka Kenya, waxa uu Kenya ku tilmaamey in uu yahay dalka ay fadhiyaan hay’adaha caalamiga ah ee ka shaqeeya Soomaaliya,hay’adahaas oo xiriir badan inaka dhexeeyo, waxyaabaha aan halkaas u tagney oo aan wax ka soo qabanay waxaa ka mid ahaa been abuur laga sameeyey Puntland intii ay jirtey oo dhan, taas oo ah in ay Puntland ay hormuud ka tahay arimaha Burcadbadeeda, maamuladu la shaqeytaan, waxaana arintaas sameeyey rag la yaqaan oo weligood Puntland ka soo horjeeda, kuwaas oo ugu danbeyntii shaqo ka heley International Monitering Group, waxaana qaatey warbixintaas UN-ka waxaana ka mid ahaa in ay jiraan niman argagixiso ah oo ku sugan buurta Galgala iyo rag kale oo lagu eedeeyey Burcadbadeed, laakiin waxaa cad in Puntland ay tahay meesha keliya ee Burcadbadeeda lagala dalaamo, taas oo UN-ka hay’adda u qaabilsan denbi baarista ayaa qirtey, ayuu yiri Dr.Faroole.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale qirey waxyaabaha ay u tageen dalka Kenya in ay ka mid ahayd isbedelkii lagu sameeyey hay’adda PIS-ta taas oo muran badan ka dhashey isbedelkii lagu sameeyey, waxaana u tagney waddamo kale ee taageero inaku siiya arimahaas sidii aan u qancin lahayn, Waan soo dhamayney arintaas, waxaana weli socda dib u habayntii iyo sidii hay’ad dawladeed looga dhigi lahaa ayuu yiri Dr.Faroole.

Istanbul

Madaxweynaha Puntland ayaa ka warbixiyey shirkii caalamiga ahaa ee Istanbul, waxa uu sheegay in shirkaasi uu ahaa kii u horeeyey ee caalami ah oo Puntland lagu casumey, shirkaas ayaa ahaa sidii hay’adaha caalamiga ah dawladaha deeqaha bixiya, ganacsatada waaweyn ay isaga kaashan lahaayeen arimaha Soomaaliya, waxaana uu sheegay in khudbadii Soomaaliya uu jeediyey Madaxweynaha Soomaaliya Shiikh Shariif, laakiin Puntland halkaas ay ka jeedisey khudbad ku aadan dhanka ganacsiga.

Madaxweynaha ayaa sheegay in ay baahiyo badan oo ka jira Puntland shirka geeyeen waraaqona ka sameeyeen, laakiin baaqii ka soo baxay Shirkii Istanbul ay ku soo baxeen laba mashruuc oo ah garoomada diyaaradaha ee Bosaso iyo Garoowe in la taageero oo laga qaybqaato dhismahooda, macnuhu waxa uu ahaa in kasoo qaybgalayaasha iyo deeqbixiyaasha loo bandhigo in ay arimahaas wax ka qabtaan, Laakiin baahiyada kale ee ka jira Puntland dhamaan waan qaddiney, “Majo dhooqo marba mid ayaa la bixiyaa” ee iyagana waan sugeynaa oo marba wax inaan qabano ayaan rabnaa, ayuu madaxweynuhu ku yiri khdubadiisa

Madaxweynaha ayaa sheegay in mudadii shirku socdey ay adkeyd in shirkadaha iyo deeq bixiyaasha kulamo toos ah lala qaato, taas ayaana nagu kaliftey in aan ilaa laba maalmood oo danbe ku sugnaano Istanbul, waxaana u gudbiney hay’adaha aan meesha isku aragney warqado, casumaado iyo sidii aan wax u wada qabsan lahayn.

Imaaraadka

Dr.Faroole ayaa sheegay in markii ay ka soo duuleen istanbul ay yimaadeen Imaaraadka Carabta, maadaama Imaaraadka Carabta uu ahaa dhul dhisme aad u xoogan ka socdo kaas oo hadda istaagey isla markaana laga heli karo qalabka lagu dhiso garoomada iyo dekadaha oo aad u raqiis u ah, qalabkaas ayaan ururiney, kadibna waxaan ka codsanay mid ka mid ah Imaaraduhu in ay nagu taageeraan sidii qalabkaas aan ku heli lahayn, rajo weyn ayaan ka qabnaa in aan qalabkaas helno, haddii aan weyno anaga iyo ganacsatada ayaa iska kaashanayna, waxayna noqoneysaa intaan ayaan haysanaa ee yaa wax kudaraaya, waxaana ku rajo weynahay in hay’aduhu wax ku daraan markaas balan qaadna waan ka haysanaa.

Faroole ayaa sidoo kale sheegay in dhawaan ay imaanayaan khubaro ka soo duuli doonta dalka Kenya kuwaas oo qiimeyn ku samayn doona Garoomada Diyaaradaha, khubaradaasi qiime jaban ayey ku shaqeeyaan, qiimeynta ka soo baxda ayaana loo bandhigi doonaa deeq bixiyayaasha.

Jabuuti

Khudbadii uu Dr.Faroole ka jeediyey furitaankii kalfadhiga Baarlamaanka Puntland ayuu sidoo kale u sheegay in safarkii ay ku soo mareen dalka Jabuuti ay halkaas kulan kula qaateen madaxda Jabuuti, waxaan u bandhigney in ay nagala qaybqaataan dhismaha garoonka waxaana ay balan qaadeen in ay qayb wanaagsan ka qaadan doonaan, kalsooni buuxda ayaan ku qabnaa in Madaxweynaha Jabuuti qalabka uu balan qaadey laga helaayo, waxaana ay reer Jabuuti inooku deeqeen Taag dekdaha looga shaqeyo kaasna waa mid aan mahad uga hayno, ayuu yiri Dr.Faroole.

Buuhoodle & Widhwidh

Madaxweynaha ayaa qaybtii danbe ee khudbadiisa ku soo qaatey arimaha gudaha Puntland waxaana uu ka hadley dhacdooyinkii ka dhacay Buuhoodle iyo Widhwidh, “…Dhacdadii ka dhacdey Buuhoodle iyo isku dhacii shacabka iyo ciidanka Itoobiya wax laga xumaado ayuu ahaa, shacab ayaana halkaas ku dhintey sidii aan horey uga tacsiyeeyey ayaan haddana tacsi u dirayaa shacabkii, xoolaha maqan waxaan ka wada hadleynaa Itoobiya waxaana wefdi halkaas tegaaya dhawaan ay kala soo hadli doonaan Itoobiya arimahaas iyo xuduudaha aynu wadaagno iyo nabadgelyadooda sidii loo wada sugi lahaa oo labada dhinacba Soomaali degan tahay….” ayuu yiri Dr. Faroole.

Dhacdadii ka dhacday widhwidh ayuu ku tilmaamey in ay ahayd “Xasuuq”, waxaana uu sheegay in xasuuqaas ay geysteen maamulka Somaliland, iyaga ayaana loo haystaa waxaana uu ahaa xasuuq siyaasadeysan, waxaana qayb ka ahaa oo daandaansi lug kuleh jamhadda SSC,

Dr.faroole ayaa sheegay in aanu garanayn halka SSC wax u waddo, waan maqlaayey wixii uu ku hadley Saleebaan Ciise uu lahaa meelna kama tirsanin Federaalka ayaan ka tirsanahay afgobaadsi ayey ahayd ayaan filayaa waayo ismaba gaaraan.

Faroole ayaa sheegay in Jamhado ay yihiin kuwa loo haysto dhibta maanta ka jirta Soomaaliya, ha ugu horeysey SSDF, asaaska SSDF waxa uu samaysmey 1974tii niman siyaasiyiin ah ayaa sameeyey, laakiin qaybta caskariga ah ninkii sameeyey Cabdullaahi Yusuf ayaan afkiisa ka hayaa haddaan moodaayey sidaas in ay noqoneyso maan ku kaceen… ayuu yiri Dr.Faroole. ninkii Jamhad abuuray ayaa sidaas uga qoomameeyey, kuwii SNM ayaan ognhaya dhibtii ay sameeyeen, USC ayaa tiri wixii oo dhan waa isku fuuqso oo jiritaankii Soomaaliya jiridaha u siibey, waxaana is weydiin mudan ninka dhahaaya qarniga 21aad waxaan samaynayaa Jamhad waa Saleebaan Axmed Ciise.

Waxaa ka sii daran isaga (xaglatoosiye) kuwa maalinta Laascaanood la qabsadey hoteelada ku qayilaayey ee Col.Yaasiin Tamaad, Cabdullaahi Cali Xirsi (Timacadde) iyo Biindho oo wasiiro ahaa markaas, oo maanta qaaraan urursi u socda oo dadka jaahwareerinaaya, ayuu ku yiri khudbadiisa Faroole.

Jamhadda SSC Puntland kama mid ah mana taageersanin, waxay sheegaysaa Puntland kama tirsanin waxaana ay taageero ka doonayaan dadka Puntland, xoreynta Laascaanood xukuumadda Puntland ayey u taalaa ee SSC uma taalo ayuu yiri Faroole.

Dilalka Qorsheysan

Faroole ayaa ugu danbeyntii ka hadley dilalka qorsheysan ee ka dhacayey Puntland muddooyinkii danbe kaas oo uu ugu danbeeyey dilkii loo geystey Taliyhii ciidanka CID, isla markaana ahaa kusimaha Guddoomiyaha Maxkmadda Bosaso, waxa uu hoosta ka xariiqey in ay dileen rag fulinaayo dano ka baxsan Puntland waxaana soo direy ururada ka dhisan koonfurta kuwaas oo aan nabad la dooneyn Puntland, ururadaas saldhigyo ayey ku leeyihiin Puntland muddo ayey ku dhalayeen arimaha diinta ayeyna ka yimaadeen laakiin diin shaqo kuma laha,caruurta ayeyna madaxa ka soo badaleen oo dib inoo ku soo celiyeen si ay nabad xumo uga abuuraan Puntland, kuwaas weeye kuwa ka danbeeya ayuu yiri Dr.Faroole.

Khudbadda Madaxweynaha ayaa ahayd tii u dheereyd ee uu waayadan jeediyo, waxaana uu maanta si rasmi ah u furay kalfadhigii 24aad ee Baarlamaanka Puntland, waxaana Baarlamaanka horyaala shaqooyin badan haddii ay wax ka qabanayaan.

Allhoryaal
Garoowe

0 Ra'yi ka dhiibo:

Post a Comment

Halkaan Ku cabbir Ra'yigaaga adoon cidna duraynin.

Astaanta Horyaal Waa Hiigsiga Nabadda Soomaaliya

Bashir Dahir Dhabayaco allhoryaal Copyright © 2007-2016

.

wararkii ugu danbeeyey