Tuesday, June 8, 2010

Isbahaysigii u Dhexeeyey Turkiga iyo Israel oo Burburay

Qiyaastii 20 sano xiriir iskaashi ah oo u dhexeeyey dalalka Turkiga iyo Israel ayaa burbur ku dhamaadey. Dadka ka faalooda siyaasadda bariga dhexe ayaa sheegaya in dawladda Israel ay tahay mida ku khasaartey weerarkii ay ku qadeen Markabkii gargaarka u sidey dhulka Israel ay go’doonka ka dhigtey ee GAZA.

Dalka Turkigu maaha dal aad u sahlan, waa dal ka tirsan gaashaanbuurta NATO, dadkiisuna gaarayo 73 milyan oo qof, waxaana uu ahaa dal ay kala dhexayso Israel xiriir wanaagsan kaas oo leh mid dhaqaale iyo mid mileteri, xiriirka labada dal ayaa ahaa mid weli wanaagsanaa tan iyo markii ciidamada Israel ay weerarka qaawan ku qaadeen Markabkii “Mavi Marmara”, ee gargaarka u sidey GAZA.

Xiriirka labada dal ayaa dib ugu noqdey sidii uu ahaa sanadihii sideedatamaatkii markaas oo uu ka dhexeeyey dagaal qabow oo dhanka siyaasadda iyo arimaha ciidanka saamayn ku lahaa.

Raysalwasaaraha dalka Turkiga ayaa ku tilmaamey Israel in ay ku kacdey xasuuq isla markaana ay samaysey burcadbadeednimo, waxaana uu ugu baaqey in ay ogolaadaan in baaritaan lagu sameeyo sida ay ku keentey in ay weerar ka fuliso biyaha caalamiga ah.

Qaar kamid ah warbaahinta dalka Turkiga ayaa daabacay maqaalo muujin kara in labada dal isku socdaan oo dagaal dhexmari karo muddooyinka dhaw, laakiin Raysalwasaaraha Turkiga Erdogan ayaa sheegay in aysan dooneyn dagaal ay hadda la galaan dalka Israel.

Joornaalada ka soo baxa dalka Turkiga ayaa weli laga dareemayaa carada aadka u xoogan ee dadka Turkigu qabo, iyaga oo isticmaalaya cinwaano aad u culus, sida “Dawlad Argagixiso ah”, sidoo kale Joornaalka RADIKAL ayaa sheekooyinka uu ka qoraayo arintan u isticmaaley cinwaanka ah “Toogashadii arimaha bini’aadanimada”, sidoo kale joornaalka la aaminsan yahay in uu ruxo ama kicin karo dadka Turkiga ee la yiraahdo Taraf, ayaa weli daabacaya warar aad xasaasi u ah.

Axadii la soo dhaafey ayaa Israel sii deysey 5 ka mid ahaa dadka u dhaqdhaqaaqa arimaha bini’aadanka, waxaana ka mid ahaa kuwo u dhashey dalka Turkiga kuwaas oo Israel ay ku eedaysey in ay ka tirsan yihiin al-Qaacida iyo Xamaas, sidoo kale waxaa ka mid ahaa Ken O-Keefe oo ahaa British-USA, waxaana dalka Israel ku eedeeyeen in uu tababar u fidin lahaa ciidamda Xamaas, Ken O-Keefe ayaa mar uu la hadlaayey Telefishanka al-Jazeera ku tilmaamey sheegashada Israel mid aan waxba ka jirin “…Marka keliya ee aan hubka qaatey waxa ay ahayd markii aan ka tirsanaa ciidanka Maraykanka dagaalkii lagu xoreynaayey Kuweyt, haddii Israel ay ogaatey in aan aragagixiso ahay sabab ayey ii siidaayeen….” ayuu yiri Ken O-Keefe.

Dadka Yuhuudda oo la aaminsan yahay in ay maamulaan warbaahinta caalamka kuwooda ugu waaweyn ayaa hadda wada qorshe ah in argagixiso lagu sheego dadka u dhaq-dhaqaaqa arimaha bini’aadanimida, kuwaas oo ay hadda cadow u arkaan.

Soli Özel waa nin caaanka ah dalka Turkiga isla markaana si aad ah uga faalooda arimaha siyaadaa , waxaana uu ka shaqeeyaa Jaamacadda Biligis, waxa uu yiri “…Xargihii isku xiraayey Turkiga iyo Israel waa go’een, waana adagtahay in ay sidoodi noqdaan weligood….”.

Ali Birand oo isaguna ka faalooda siyaasadda aadna looga yaqaan Telefishanka Turkiga ayaa sheegay “…. in dadka Turkigu ay aad u caraysan yihiin isla markaana aysan siyaasiyiintu ka gadi karin in xiriirka Israel uu dib u soo laabto kadib wixii ciidamada Israel ay ka sameeyeen markabkii mucaawanada wadey….”

Marka laga yimaado arimaha siyaasadda waxaa iyaduna meesha ka baxdey xiriirkii dhaqaalaha iyo arimaha ganacsiga, ma ahan dalka Turkiga oo keliya,waxaa jira dalal badan oo ku yaala qaarada Yurub oo dadkoodu wacad ku mareen in aysan gadan ama isticmaalin alaabaha laga soo dhoofiyo dalka Israel, taas oo culeys ku ah dalka Israel haddii dadku iska joojiyaan alaabaha ay dibadda u dhoofiyaan.

Dawladda Israel ayaan raaligelin kabixin hawgalkii ay ciidamadeedu ka fuliyeen markabkii “Mavi Marmara,” kaas oo ay ku dileen 9 qof, waxaa arintaas ay kala kulantey wejigabax siyaasadeed iyada oo meelo badan laga canbaareyey, inkasta oo walaalka weyn ee Yuhuuda waa Maraykankee aanu canbaarayn falkii adduunku ka argagaxay. Waxaa lagu tilmaama Dawladda Israel in ay tahay mid ka saraysa sharciga adduunka u degsan, ma ahan in dadka gaaraya 7-da milyan ee Yuhuudda degan Bariga dhexe ay yeesheen saamaynta intaas le’eg, ee waxaa dad iyaga u dhashey isla markaana haysta dhalasho wadamo kale ay fadhiyaan meelaha ugu badan ee adduunkan go’aamadiisa dadku ka gaaraan, sida Qaramada Midoobey, Dhaqaalaha, Warbaahinta, Siyaasadda iyo weliba waxbarashada, sidoo kale waxa ay hogaamiyaan inta badan hay’adaha caalamiga ah ee saamaynta iska leh, dalalka waaweyn waxa ay ku leeyihiin awoodo waaweyn taas oo ah mid aan dadka caadiga ah u muuqan.

Allhoryaal
Turky

0 Ra'yi ka dhiibo:

Post a Comment

Halkaan Ku cabbir Ra'yigaaga adoon cidna duraynin.

Astaanta Horyaal Waa Hiigsiga Nabadda Soomaaliya

Bashir Dahir Dhabayaco allhoryaal Copyright © 2007-2016

.

wararkii ugu danbeeyey