Saturday, June 5, 2010

Wasiirka Waxbarashada Puntlland oo booqday Iskuulo saaka ay ka bilaawdeen Imtixaanka dugsiga sare

Garoowe:-Wasiirka Waxbarashada dowlada Puntland Cabdi Faarax Juxaa iyo xubno kale oo ka tirsan wasaarada waxbarashada ayaa waxaa ay maanta si rasmi ah u fureen imtixaanka fasalka 4aad ee dugsiyada sare ee Puntlland, wasiirka iyo wafdiga lan socda ayaa waxaa ay booqasho ku tageen iskuulada ku yaal magaalada Garoowe.

Wasiirka Waxbarashada Puntlland Cabdi Faarax Juxaa oo booqashadiisu ay ku weheliyeen Madaxweyne ku xigeen Puntlland Gen.Cabdisamad Cali Shire iyo wasiirka maamul wanaaga Maxamed Faarax Ciise Gaashaan ayaa waxaa ay dugsiyadii ay booqdeen ardayda waxa ay kala hadleen in ay dhowraan anshaxa u degsan Imtixaanka iyo in laga fogaado wax walba oo wax u dhimaya habsami u socodka Imtixaanada.

Wasiirka Waxbarashada dowlada Puntlland Cabdi Faarxa Juxaa ayaa waxaa uu saxafaada kula hadlay xafiiskiisa wasaarada waxbarashada marki uu dhamay stay booqasahdii dugsiyada sare waxaan u sheegay maanta in ay faraxad weyn u tahay wasaarada wa barashada iyo bahada waxbarsahad ka dib markii maanta imtixaaanada dugsiyada sare ee Puntlland hal mar loo fariistay

Wasiirka ayaa sidoo kale waxaa uu shirkiisa jaraaid ku xusay in dhamaan 24 skuul ay maanta imtxaankii galaaska afaraad ee dugsiga sare ay u wada faríisteen taasina ay tahay guul u soo hoyatey bahda waxbarshada iyo Wasaarada waxbarashada ee Puntland.

Ardayda maanta imtixaanka galaaska 4aad ee dugsiga sare u fariisatay ayaa waxaa lagu qiyaasayaa ilaa in ka badan 1330 oo arday, usbiicii la soo dhaafay ayaa waxaa soo afmeermay imtxaankii dugsiyada hoose dhexe ee iskuullada maamulka P/Land si ay sanadka xiga ugu gudbaan dugsiga sare.

Bashir D Dhabayaco

0 Ra'yi ka dhiibo:

Post a Comment

Halkaan Ku cabbir Ra'yigaaga adoon cidna duraynin.

Astaanta Horyaal Waa Hiigsiga Nabadda Soomaaliya

Bashir Dahir Dhabayaco allhoryaal Copyright © 2007-2016

.

wararkii ugu danbeeyey