Sunday, June 6, 2010

Meydadka Askartii AMISOM ee Lagu Dilay Muqdisho Oo Loo Duuliyey dalka Uganda

Meydadka labo askari oo ka tirsan Ciidanka AMISOM ee ku sugan magaalada Muqdisho una dhashey dalka Uganda ayaa loo duuliyey dalkoodi Hooyo ayadoo dhowaan lagu wado in loo sameeyo aas qaran oo ay kasoo qaybgali doonaan qaar ka mid ah masuuliyinta Dowladda Uganda.

Afhayeenka Ciidanka dalka Uganda Col.Felix Kulayige ayaa sheegay in askartaas lasoo gaarsiiyey magaalada Kampala gelinkii dambe ee sabtida,waxaana iminka socda qaban qaabo lagu doonaayo in la aaso,sidoo kalena ay Dowladda doonayso in ay magdhow lacageed siiso qoysaska ay ka geeriyoodeen.

Saraakiisha AMISOM ayaa iyagu xaqiijiyey dilka labada askari oo ay sheegeen in ay dileen kooxaha mucaaradka xilli ay weeraro madaafic ay kusoo qaadeen xarunta madaxtooyada Villa Soomaaliya oo ay ilaalo ka hayeen.

Col.Kulayige ayaa intaa ku daray in shan kale oo Askari oo dhaawac ah la geeyey magaalada Nairobi oo iminka lagu dabiibaayo dhaawaca soo gaaray.

Tirada Ciidanka dalka Uganda ka socda ee ku sugan magaalada Muqdisho ee xarunta dalka soomaaliya ilaa hadda inta laga dilay ayaa gaaraysa 13-askari.

ALLHORYAAL
MUQDISHO

0 Ra'yi ka dhiibo:

Post a Comment

Halkaan Ku cabbir Ra'yigaaga adoon cidna duraynin.

Astaanta Horyaal Waa Hiigsiga Nabadda Soomaaliya

Bashir Dahir Dhabayaco allhoryaal Copyright © 2007-2016

.

wararkii ugu danbeeyey