Saturday, June 5, 2010

Madaxweyne Kuxigeenka Puntland Oo Furay Maalmaha Talaalka Hooyada Iyo Caruurta (Sawiro)


Munaasabad balaaran oo lagu furaayay maalmaha talaalka Hooyada iyo Carrurta ayaa maanta lagu qabtay Xarunta Wasaarada Caafimaadka ee Puntland taas oo ay kasoo qaybgaleen Madaxweyne Kuxigenka Puntland Gen.C/samad Cali Shire,Wasiirka Caafimaadka Puntland Dr.Cali Cabdulaahi Warsame iyo Madax ka socota Hay’adda UNICEF iyo WHO.

Munaasabadaan ayaa waxaa ka hadlay markii ugu horaysay Wasiirka Caafimaadka Puntland D.r Cali C/laahi Warsame oo sheegay in maanta si siman uu uga bilaabmay talaalka degaanada Puntland una soconaayo mudo 5 cisho ah.

Sidoo kale wuxuu sheegay in talaalkan uu yahay mid tayaysan oo ah talaalka dunida laga isticmaalo mid lamida ah.

Sarkaal Ka socday Hay’adda UNICEF ayaa isna ka hadlay goobtaa,waxaana uu sheegay in talaalkan looga dan leeyahay sidii loo ilaalin lahaa caafimaadka Hooyada iyo dhalaanka taasoo la keenay talaalka tayaysan oo laga talaalayo cudurada halista ah.

Waxaa kale goobta Ka hadlay Hay’adda WHO sarkaal ka socday oo lagu magacaabo Dr Shiikh Cali oo isna ka hadlay faa’idooyinka talaalka uu u leeyahay Hooyada iyo dhalaanka.

0 Ra'yi ka dhiibo:

Post a Comment

Halkaan Ku cabbir Ra'yigaaga adoon cidna duraynin.

Astaanta Horyaal Waa Hiigsiga Nabadda Soomaaliya

Bashir Dahir Dhabayaco allhoryaal Copyright © 2007-2016

.

wararkii ugu danbeeyey