Sunday, June 6, 2010

Banaanbax Looga Soo horjeedo Somaliland Oo Ka Dhacay degmada Baran

Degmada Baran ee xarunta gobolka Sanaag ayaa waxaa ka dhacay banaanbax balaaran oo looga soo horjeeday maamulka Somaliland oo doonaayay inuu halkaas ka sameeyo ololaha doorashooyinka.

Maxamed Axmed Cismaan oo ka mid ah dadka degaanka oo u waramaayay Warbaahinta ayaa sheegay in mudaharaadka uu yimi ka dib markii ilaa afar gaari oo ku xirnaa calanka maamulka Somaliland isla markaana ay saarnaayeen dad taageersanaa Xisbiga Udub ee iminka talada haya ay soo galeen magaalada.
Waxaana arintaas ka carooday shacabka ku dhaqan degmada Baran oo iyaguna dadkii watay gawaaridaas kala hortagay mudaharaad,ayadoo markii dambe la riday rasaas aan cidna ku waxyeeloobin ama khasaaro ka dhalan.waxaana afartii gaari la sheegay in ay isaga baxeen degmada.
Maxamed ayaa intaa ku daray in Shacabka Baran ay iyagu lasoo baxeen calanka Soomaaliya,isagoo xusay in ay muujinayeen sida ay uga soo horjeedaan maamulka Somaliland.

Gobolka Sanaag ayaa bilihi lasoo dhaafay waxaa ka dhacay mudaaharaadyo sababay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo ay dhigaayeen shacabka kuwaas oo kasoo horjeeda ololaha maamulka Somaliland oo uu ku doonaaya inuu halkaas ka hirgeliyo doorashooyinka sanadkaan oo dhacaya sida lagu wado dabayaaqada bishan.waxaana dhowaan halkaas booqasho ku gaarey masuuliyin ka tirsan Dowladda Puntland.

Allhoryaal
@Australia

0 Ra'yi ka dhiibo:

Post a Comment

Halkaan Ku cabbir Ra'yigaaga adoon cidna duraynin.

Astaanta Horyaal Waa Hiigsiga Nabadda Soomaaliya

Bashir Dahir Dhabayaco allhoryaal Copyright © 2007-2016

.

wararkii ugu danbeeyey