Monday, June 21, 2010

Kulan dhexmaray saraakiil Puntland iyo ciidanka NATO

Kulan dhexmaray saraakiil Puntland iyo ciidanka NATO
Saraakiil ka tirsan maamulka Puntland ayaa xeebta Bosaso kula kulamay madaxda ciidamada la dagaallanka burcad-badeedka ee NATO ee ku sugan xeebaha ku aaddan Soomaliya waxana kuklankaas lagu soo qaaday iskaashi ay labada dhinac ka yeeshaan dagaalka lagula jiro burcadda badaha.

Waa markii ugu horraysay ee saraakiisha NATO ay la kulmaan madax heer wasiir ah iyadoo ay horay ula kulmeen madaxda degmoyinka iyo gobollada oo ay wehliyaan odayaasha dhaqanka.
Wasiirka dekedaha iyo gaadiidka badda ee Puntland Siciid Maxamed Raage oo warbaahinta uga
waramayay kulankaasi ayaa waxa uu sheegay in looga hadlay in la isla eego wixii ka soo baxay kulamadii ay saraakiisha NATO la qaateen madaxda degmooyinka iyo gobollada iyo kuwii dhaqanka sida ay u arkeen iyo talooyinka maamulku ku kordhin karo arrimihii la isla gartay.
Waxaa kaloo kualnkaas lagu soo qaaday sida wasiirku sheegay in la isla eego sidii iskasahi buuxda looga samayn lahaa dagaalka burcadda badaha iyo baahiyaha jira ee maamulka Puntland ka hasyta dhinacyada hawlaha la xiriira dagaalka burcadda gaar ahaan dhinaca qalabka, iskudubarridka hawlahaas iyo tababarrada.

Wasiirka dekedaha Siciid Maxamed Raage wuxuu sheegay in waxa ugu muhimsan ee kulamadan ka soo baxay ay tahay kalsooni xagga wadashaqaynta ah iyo in ay arkeen in maamulka Puntland dawlad iyo shacab ay ka go'an tahay dagaalka uu kula jiro burcadda badaha.
Meelaha ka tirsan Puntland ee ay weli ku hareen burcadda badaha sida magaalada Garacad ayuu si gaara farta ugu fiiqay wasiirku inay ciidamada NATO ka wada hawlgeli doonaan oo ay soo afjari doonaan.
Allhoryaal
Bosaso-somalia

0 Ra'yi ka dhiibo:

Post a Comment

Halkaan Ku cabbir Ra'yigaaga adoon cidna duraynin.

Astaanta Horyaal Waa Hiigsiga Nabadda Soomaaliya

Bashir Dahir Dhabayaco allhoryaal Copyright © 2007-2016

.

wararkii ugu danbeeyey