Sunday, June 6, 2010

Ururada Xuquuqal-Insaanka oo Maamulka S/Land ku eedeeyay carqaladaynta Ololaha Doorashada

Hargeysa - Isbahaysiga dhex-dhexaadka ah ee Ururrada Xuquuqda Aadamiga Somaliland oo magaciisa loo soo gaabiyo SOHIRA-Net, kaas oo ay ku bahoobeen 22 urur bulsho oo ka shaqeeya horumarinta iyo ilaalinta xuquuqda iyo xoriyadaha aasaasiga ee aadamiga, ayaa sheegay in caqabado soo waajaheen Ololaha Doorashada ee dalka.

Isbahaysigan Ururadda Xuquuqda Aadamigu waxa ay sidan ku sheegeen warsaxaafadeed ay soo saareen maanta oo uu ku saxeexan yahay Afhayeenka Isbahaysigaas Saleebaan Ismaaciil Bulaale (Saleebaan Xuquuq), waxaanu u dhignaa Warsaxaafadeedkaas oo dhamaystirani sidan:

"Isbahaysiga dhex-dhexaadka ah ee Ururrada Xuquuqda Aadamiga Somaliland oo magaciisa loo soo gaabiyo SOHIRA-Net, waxay si wadajir ah qaylo dhaan u dirayaan si ay ugu muujiyaan falal xadgudub ku ah xeerka doorshadda madaxtooyadda Somaliland gaar ahaan xilliga lagu jiro ololaha doorashada oo ay kormeereen difaacayaasha xuquuqda aadamiga Somaliland seddexdii maalmood ee ugu horeeyay xilliga ololaha doorashadda madaxtooyada Somaliland soconayso.

Difaacayaasha Ururada Xuquuqda Aadamiga Somaliland oo si taxadir badan oo dhex ah u kormeerayay qaabka ay Axsaabta Siyaasadda Somaliland ay u wadaan ololayaashooda doorashada madaxtooyadda, hantida ay u isticmaalayaan ololaha xaga ay ka keenaan, iyo bal in si siman ay ugu adeegayso warbaahinta qaranku saddexda xisbi qaran xilligan lagu jiro ololaha doorashadda madaxtooyadda Somaliland.

Isbahaysigu waxay kormeerkooda ugu dhabo galeen habsami u socodka ololaha doorashada Somaliland, waxaana aasaas iyo gundhig u ahaa xeerka doorashooyinka madaxtooyadda Somaliland, Xeerka Anshaxa Doorashadda Madaxtooyada oo ay saddexda xisbi iyo komishanka qaranku kala saxeexdeen 13/04/2010 iyo aaladaha xuquuqda aadamiga ee caalamiga ah.

Natiijooyinka ka soo baxay kormeerka difaacayaasha xuquuqda aadamiga Somaliland waxay yihiin sidatan:

Xisbiga taladda haya ee UDUB gabi ahaanba waxa uu u isticmaalayaa hantidii qaranka, gaadiidkii dawladda iyo haybadii qarankaba ololahiisa doorashadda madaxtooyadda Somaliland, taas oo lid ku ah heshiiska hab-dhaqanka xisbiyada siyaasadda ee doorashada madaxtooyada (code of conduct) oo soo baxay 13/04/2010 gaar ahaan Qodobka 11 Farqaddiisa 1aad oo dhigaysa (Waxaa reebban in ay Xukuumaddu u adeegsato Xoogagga Nabadgelyada sida Ciidanka Booliska, Asluubta, Sirdoonka iyo Ciidanka Qarankaba in lagu cabudhiyo Murashaxiinta Xisbiyada Siyaasadda iyo taageerayaashooda)sida aynu la wada socono ololahii doorashada madaxtooyada ee ku qabsoomay beerta xoriyadda magaalada Hargeysa 3/6/10 xisbiga taladda haya ee UDUB waxay ku ololalaynayeen ciidanka loo yaqaano baanboyda oo ka tirsan ciidanka booliska Somaliland. Halka xisbiga UDUB uu ka maanacay in baanboydu muusiga u tumaan axsaabta mucaaridka ah.

Xogaha ay heleen kormeerayaasha xuquuqda aadamiga Somaliland ayaa daboolka ka faydaya in xisbiga UDUB si buuxda ugu maalgalinayo hantidii qaranka ololahiisa doorashada halka labada xisbi ee mucaaridka ah ay u isticmaalayaan ololahooda siyaasadeed qaadhaanka ay u soo dirayaan xubnaha qurba jooga ee xisbiyadaasi ka midka ah. Tani waxay lafjab ku tahay Qodoka 12: Dhexdhexaadnimada Hantida iyo Adeegyada Qaranka (neutrality of public offices, assets and facilities) kaasi oo dhigaya – Hantida Qaranka waa loo siman yahay, loomana adeegsan karo in loogu adeego danaha Xisbi gaar ah. Waxaa reebban in Guddoomiyeyaasha Gobollada iyo Degmooyinka, Maamullada kala duwan ee Xukuumiga ah, iyo Saraakiisha Dawladdu ay u ololeeyaan Xisbi gaar ah. Ururadda xuquuqda aadamiga Somaliland waxay xogogaal u noqdeen in dhamaan badhasaabadda goboladda dalku ay si cad oo qaawan ugu ololaynayaan xisbiga UDUB, tusaale cad waxa ah oo saxaafadda laga wada daawaday labada barasaab ee goboladda ugu dadka badan dalka oo kala ah Maroodijeex(hargaysa) iyo Togdheer(burco).

HAB-DHAQANKA XISBIYADA SIYAASADDA EE DOORASHADA MADAXTOOYADA : Maaliyadda Guud, Qodobkiisa 17oo ka hadlaya Hantida iyo Warbaahinta Dawladda

Gabi ahaanba waxay ay warbaahinta xukuumaddu ay jabisay qodobkan kor ku xusan iyadoo 7 saacadood ee Tiifiiga S/Land ee dalka gudihiisa laga daawadaa uu in ka yar 20 miridh oo kali ah uu sii daayo warar iyo barnaamujyo uu tafatir ku sameeyay oo ay leeyihiin labadda xisbi mucaarid iyadoo TV-ga qaranka in ka badan 5 saacadood oo ah xiliyadda ay dadwaynuhu sida aadka ah u daawadaan TV-yada uu sii daynaya barnaamujyada uu ku ololaynayo xisbiga UDUB oo kali ah.

0 Ra'yi ka dhiibo:

Post a Comment

Halkaan Ku cabbir Ra'yigaaga adoon cidna duraynin.

Astaanta Horyaal Waa Hiigsiga Nabadda Soomaaliya

Bashir Dahir Dhabayaco allhoryaal Copyright © 2007-2016

.

wararkii ugu danbeeyey