Sunday, June 6, 2010

Dalka Maraykanka Oo Lagu Xiray Rag La Sheegay in ay Kusoo jeedeen dalka Soomaaliya

Labo Nin oo looga shakiyey in ay xirrir la leeyihin Ururka Al-Qaacida ayaa lagu xirey garoonka diyaaradaha John F.Kennedy ee magaalada New York,waxaana la sheegay in ay kusii jeedeen dalka Soomaaliya si ay ula kulmaan Kooxaha Islaamiyinta.

Xilliga xariga loo geysanaayay ayaa la sheegay in ay u duuli lahaayeen dalka Masar,waxaana ay yihin rag dhalinyaro ah ayadoo da’adooda lagu sheegay in ay kor u dhaaftay 20-sano.

Saraakiisha Booliska garoonka diyaaradaha ayaa si hoose qaar ka mid ah warbaahinta u sheegay in ay ka yimaadeen gobolka New Jersey,waxaana ay haystaan dhalashada wadanka Maraykanka.

Labadaas nin ayaa baaritaan lagu hayay tan iyo sanadkii 2006-dii,Booliska ayaa guriga ay deganayeen kasoo saareen Waraaqo,Kumbuyutaro iyo qalab kale ka dib markii ay baaritaan ku sameyeen xarigooda ka dib.

Xafiiska Xeer ilaaliyaha Maraykanka ayaa xaqiijiyey xarigooda,waxaana lagu wada maalinimada beri ay kasoo hormuuqdaan maxkamada magaalada Newark ee gobolka New Jersey.

Wararka ayaa intaa ku daraaya in ragaasi ay iyagu qorsheynaynin in ay weerar ka geystaan dalka Maraykanka balse ay rabeen in ay ku biiraan dhaq dhaqaaqa Al-Shabaab ee ka dagaalama dalka Soomaaliya.

ALLhoryaal
Melb-Australia

0 Ra'yi ka dhiibo:

Post a Comment

Halkaan Ku cabbir Ra'yigaaga adoon cidna duraynin.

Astaanta Horyaal Waa Hiigsiga Nabadda Soomaaliya

Bashir Dahir Dhabayaco allhoryaal Copyright © 2007-2016

.

wararkii ugu danbeeyey