Sunday, June 6, 2010

Dhoollatuska UCID ee Hargaysa



Maalin saddexaaddii oo uu u lahaa kaltanka ololaha xisbiga UCID, ayaa waxa u soo banbaxay kumannaan taageerayaashiisa ah magaalooyinka waaweyn ee ay ka mid yihiin Burco iyo Hargeysa.

Guddoomiyaha xisbigaasi, isla markaana ah musharraxa madaxweynennimda, Faysal Ai-Waraabe, ayaa taageerayaashiisa kula hadlay beerta xorriyadda ee magaalada Burco, waxanu uga waramay barnaamijkiisa siyaasadeed iyo sababah uu u doonayo in loogu codeeyo xisbigiisa.

Faysal waxa kale oo uu hore u soo maray magaalooyin iyo degmooyin ka tirsan bariga Somaliland.

Magaalada Hageysa waxa iyaguna taageerayaashoda kula hadlay musharraxa madaxweyne-ku-xigeennimada, Rashid Sh Hassan, iyo guddoomiyaha baarlamaanka oo ka soo jeeda xisbiga UCID

Labada xisbi ee kale, UDUB iyo KULMIYE, waxay kala sameeyeen dhoollatuskoodii maalmihii Jimcihii iyo Sabtidii o ay u kala lahaayeen kaltanka ololaha doorashooyinka ee axsaabta.

waxaana la arkayaa in si is daba jooga ay usoo bandhigayaa axzaabtu dhoolla tusyadooda ku wajahan bulshada iyagu doorashada kaarka qaatay ee codaynaya.
la arki doonee xizviga ku guulaysta oo madaxa maamulka SomaliLand hanta.

Doorashooyinka Somaliland waxa qorshaysan in la qabto 26 June hadduu Alle idmo.

Allhoryaal
Melb-Australia

0 Ra'yi ka dhiibo:

Post a Comment

Halkaan Ku cabbir Ra'yigaaga adoon cidna duraynin.

Astaanta Horyaal Waa Hiigsiga Nabadda Soomaaliya

Bashir Dahir Dhabayaco allhoryaal Copyright © 2007-2016

.

wararkii ugu danbeeyey