Wednesday, June 23, 2010

Qarax Khasaaro Dhimasho iyo Dhaawac sababay oo ka dhacay Bosaso

Qarax khasaare dhimasho iyo dhaawac sababay oo ka dhacay boosaaso xarunta G/Bari.

Waxaa gelinkii dambe ee maanta qarax nooca bam gacmeedka ah lala beegsaday Ciidan ka tirsan kuwa amniga ee Dowladda Puntland,qaraxa ayaa ka dhacay wadada dheer ee laamiga gaar ahaan agagaarka Hoteelka Khaliij ee u dhow Shirkada Isgaarsiinta ee Golis.
Wararka ayaa sheegaaya in Ciidanka lala beegsaday qaraxa ay ka yimaadeen degmada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar,waxaana ay saarnaayeen gaari nooca ay Soomaalida u taqaano Waaraadka.
Qaraxa ka dib Ciidanka waxaa ay fureen rasaas,waxaana sidoo kale agagaarka goobta uu qaraxu ka dhacay laga qab qabtay oo la xiray dadka ku sugnaa goobtaas.
Khasaaro culus ayaa gaarey ciidanka qaraxa lala beegsaday,waxaana ilaa iyo 8-askari la geeyey Isbitaalka weyn ee magaalada Bosaaso oo halkaas lagu dabiibaayo.
Sidoo kale waxaa geeriyooday askari kale oo isagu dhaawac culus soo gaarey kaas oo la geeyey Isbitaalka gaarka ah ee Puntland, askarigaasi ayaa markii dambe u geeriyooday dhaawacii soo gaaray.
Maxamed Siciid “Hogaama laroor” oo ka tirsan Saraakiisha Caafimaadka ee Isbitaalka Bosaaso ayaa warbaahinta maxalligaa u sheegay in dhaawaca 8-askari ay iminka la tacalayaan isla markaana ay dhaqaatirta ku mashquulsanyihiin.
Sarkaal caafimaadka oo ka waramaya khasaaraha qaraxa geystay
Ilaa iyo hada lama sheegi karo cida ka dambeysay qaraxaan lala beegsaday Ciidanka amniga ee Puntland, waxaana iminka socda baaritaano ay wadaan Booliska.
allhoryaal
boosaaso somalia

0 Ra'yi ka dhiibo:

Post a Comment

Halkaan Ku cabbir Ra'yigaaga adoon cidna duraynin.

Astaanta Horyaal Waa Hiigsiga Nabadda Soomaaliya

Bashir Dahir Dhabayaco allhoryaal Copyright © 2007-2016

.

wararkii ugu danbeeyey