Monday, June 7, 2010

Shariif Xassan Oo U Duulay dalka Kenya

Guddoomiyaha Baarlamaanka Dowladda Federaalka ee Soomaaliya oo dhowaan la doortay Shariif Xassan Sheikh Aadan ayaa maanta ka duulay magaalada Muqdisho isagoo kusii jeeda magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Safarka Guddoomiyaha oo aan hore loo si shaacin ayaa waxaa la sheegay in ay ku weheliyaan tiro Xildhibaano ah oo ka tirsan Baarlamaanka,waxaana aan la ogeyn ujeedada Safarkiisa.

Safarka Shariif Xassan ee magaalada Nairobi ayaa noqonaaya kii ugu horeeyey uu dalka dibadiisa ku tego tan iyo markii loo doortay jagada Guddoomiyaha Baarlamaanka.

Baarlamaanka Federaalka ayaa labadii maalmood lasoo dhaafay fadhi ku lahaa guriga golaha shacabka ee Muqdisho,waxaana ay doorteen labada Guddoomiye kuxigeen ee guddoonka sare ee Baarlamaanka.

Guddoomiyaha cusub ee Baarlamaanka Federaalka Shariif Xassan ayaa la aaminsan yahay in uu safaro aan kala joogsi lahayn dibadaha ugu bixi doono, inkasta oo shaqada guddoomiayaha Baarlamaanku ay tahay in uu shirararka u guddoomiyo Baarlamaanka.

Allhoryaal
Muqdisho

0 Ra'yi ka dhiibo:

Post a Comment

Halkaan Ku cabbir Ra'yigaaga adoon cidna duraynin.

Astaanta Horyaal Waa Hiigsiga Nabadda Soomaaliya

Bashir Dahir Dhabayaco allhoryaal Copyright © 2007-2016

.

wararkii ugu danbeeyey