Wednesday, June 9, 2010

Mahiga oo Ergayga Somalia loo magacaabay

10/06/10 Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-moon ayaa Augustine Mahiga u magacaabay ergayga cusub ee Qaramada Midoobay ee dalka Somalia.
Ergaygan cusub oo sidoo kale ah Safiirka Tanzania ee Qaramada Midoobay tan iyo sanadkii 2003, ayaa baddeli doono Axmadou Walad Cabdalla oo ahaa ergayga gaarka ah ee XGQM ee Somalia tan iyo bishii September 2007.
Mr Mahiga waxaa uu ka hor intii uusan noqon safiirka Tanzania ee Qaramada Midoobay, xilal kala duwan ka soo qabtay hay'adda qaxootiga adduunka ee UNHCR, isagoo hay'addaasi uga soo shaqeeyay wadamo ay ka mid yihiin liberia, India, Italy, Malta, iyo kuwo kale.
Sida lagu sheegay warbixinta magacaabistiisa, Mr Mahiga ayaa khibraddo fara badan u leh geeska Africa iyo qeybo kale oo ka tirsan qaaradaba, waxayna khibradaasi u sahli doonta sida la sheegay xilkan cusub ee loo magacaabay..
Axmadou Walad Cabdalla ayaa toddobaadkii horena warbaahinta u sheegay in dhawaan uu xilka ka dagi doono.

0 Ra'yi ka dhiibo:

Post a Comment

Halkaan Ku cabbir Ra'yigaaga adoon cidna duraynin.

Astaanta Horyaal Waa Hiigsiga Nabadda Soomaaliya

Bashir Dahir Dhabayaco allhoryaal Copyright © 2007-2016

.

wararkii ugu danbeeyey