Sunday, June 6, 2010

Qof Ku Dhintey Mudaharaad Lagu Taageerayay SSC Oo Ka Dhacay Laascaanood

Mudaaharaad looga soo horjeeda maamulka Somaliland isla markaana lagu taageerayay Hogaanka Badbaadada iyo Midnimada SSC ayaa ka dhacay degmada Laascaanod ee xarunta gobolka Sool.
Waxaana mudaharaadka soo qaban qaabiyey qaar ka mid ah dhalinyarada ku dhaqan degmada,siduu sheegay mid ka mid ah dadka banaanbaxa samaynaayay oo la hadlay Horseed Media.

Cali Axmed oo ka mid ah dadka mudaharaadka dhigay ayaa sheegay in ay kaga soo horjeedeen maamulka Somaliland ayadoo u sheegay in ay taageero u fidiyeen Hogaanka Beelaha SSC.
Wuxuuna hadalkiisa ku daray in Ciidamada maamulka Somaliland ee ku sugan degmada ay rasaas ku fureen markii dambe rasaasta ayna taasi sababtay geerida hal qof oo dhalinyaro ah oo ka mid ahaa dadka banaanbaxa samaynaayay.

Xaaladda magaalada Laascaanood ayaa ah iminka mid degan,wuxuuna mudaharaadka soo dhamaaday ka dib markii Ciidamada Somaliland ay dhalinyarada ku kala ceyriyeen rasaas.

Dhabayaco
Melb-Australia

0 Ra'yi ka dhiibo:

Post a Comment

Halkaan Ku cabbir Ra'yigaaga adoon cidna duraynin.

Astaanta Horyaal Waa Hiigsiga Nabadda Soomaaliya

Bashir Dahir Dhabayaco allhoryaal Copyright © 2007-2016

.

wararkii ugu danbeeyey