Sunday, June 6, 2010

Kulan looga dooday in la mideeyo Imaamyada magaalada Minnesota oo ka dhacay masjidka Shafici.

Minnesota:-Waxaa masaajidka Imaam shaafici lagu qabtay kulan aad u balaaran oo lagu casumay dhamaan imaamyada masaajidada gobolka minnesota, waxaa ka soo qayb galay dad wayne aad u fara badan. waxay imaamyadu ka hadleen mawduucyo aad u fara badan oo hoos imaanaya in la midoobo oo laga shaqeeyo midnimada iyo sidii ay jaaliyadda soo maaliyeed ee reer minnesoto wax u wada qabasan lahayd.

Imaamyada ka soo qayb galaan kulankaan oo ka hadlay waxaa ka mid ahaa:

1) Sh. C/qani qardhaawi (masjid imaam shaafici)
2) Sh. AXmed Taajir (Masjid Umatul islaam)
3) Sh. Maxamed mursal (Masjid Ixsaan)
4) Sh. C/risaq sancaani (Masjid Rawdah)
5) Sh. Xasan Jaamici (masji Dacwah)
6) Sh. C/qadir cali (masjid furqan)
7) Sh. C/raxman sharif ( masjid darul hijra)
8) Sh. C/raxman haguf (masjid khalid binu walid)
9) sh. cumar fiqi (masjid karamel)
10) Sh. Sacad (jamciyada salaama)


mawduucyada laga hadlay waxaa ka mid ah sidatan:

1) Bilawgii waxaa furfuray sh. cabdiqani oo ka hadaly in uu masaajidka ku soo dhoweyey dabadeena dadka ku baraarujiyey in la wada shaqeeyo oo layska war hayo, wuxuu dadk xusuusiyey in hadii aan isku duubnaano dhisan karno iskoolo waawayn oo islaami ah si aynu caruurteena u ilaashano, iyo waliba cusbitaali, jaamacado inoo gaar ah, ugu dambayntii wuxuu culumada ku baraarujiyey in ay ka shaqeeyaan si ay umadda uwada wadi lahaayen, dadkana wuxuu ku baraarujiyey in masaajida lagu xirno.

2) Waxaa ku xigay sh. axmed taajir oo isaguna ka in laysku kaalmaysto wanaaga oo laga wada shaqeeyo wixii wanaaga ah ilahayna la kaashado, wuxuu tilmaamay hadii umadu ayan iskaashan inayan wax wada qabsan karin,wxuu ku soo gabagebeeyey in ilaahay dartii loo walaaloobo.

3) Waxaa ku xigay sh. maxamed mursal oo isaguna tilmaamay midnimada wanaaga ay leedahay iyo waliba in aynu ilaahay cibaadadiisa ikhlaas uga dhigno, in ilaah loo toobad keeno isagoo tilmaamay shuruudaha ay tawbadu leedahay.

4) Sh. sancaani isaguna wuxuu ku dheeraaday midnimad iyo wada shaqaynta, iyo in masaajida laga war hayo, in masaajidadu ku dhisan shacabka ku tukana, inay masaajidadu yihiin meesha kaliya ee laga heli karo wixii wanaaga aduun iyo mid aakhiro ah, wuuxu kale uu ka hadlay wanaag in lays faro oo xumaant layska reebo.

5) Sh. xasan jaamici isagu wuxuu aad ugu dheeraaday midnimada, wuxuu gaar ahaan ula hadlay culumada iyo imaamyada masaajida gacanta ku haya inay bilaaban midnimada, oo ay niyada ka midoobaan intaan afka laga midoobin.

6) Sh. cabdiqaadir cali ayaa isaguna ka hadlay waxaa lagu midoobi karaa oo kaliya waa kitaabka ilaahy iyo sunada nabiga, arintaaana waxaa keeni kara waa in la barto kitaabka iyo sunada, gaar ahaan wuxuu ka hadlay tawxiida iyo caqiidada inay tahay asaaska qofka muslimka ah, oo hadii ay caqiidadaadu fasit tahay in camarlkaagu uuna waxb ka jirin.

7) Sh. cabdiraxmaan wuxuu aad uga hadlay in layska ilaawo khilaafaadka dadka muslimiinta ah u dhexeeya oo ay muhiin tahay in aanan lagu mashquulin inta layku diidan yahay ee laga wada shaqeeyo wixii laysku ogol yahay.

8) Sh. cabdiraxmaan haaguf ayaa wuxuu ku dheeraaday khilaafaadka muslimiinta u dhexeya iyo in ay dan noo tahay in layska ilaawo wixii khilaaf ah oo la midoobo oo dant guud la eego si umada masiirkeedu u hagaago

9) Waxaa soo gebagebeeyey sh. Sacad oo isagu dul maray culumada waxyaalihii ay ka hadleen in la dhaqan geliyo midnimada, dabadeed wuxuu u duceyey dhamaan muslimiinta gaar ahaan dadkii ka soo qayb galay kulankaas.

Gabgabadii waxaa la oran karaa waa kulankii ugu horeeyey ee ay masaajidda reer minnesota isigu yimaadan. waxaana laysku afgartay in la badiyo kulamada noocan oo kale ah.

@Allhoryaal
minneapoli-mennesota

0 Ra'yi ka dhiibo:

Post a Comment

Halkaan Ku cabbir Ra'yigaaga adoon cidna duraynin.

Astaanta Horyaal Waa Hiigsiga Nabadda Soomaaliya

Bashir Dahir Dhabayaco allhoryaal Copyright © 2007-2016

.

wararkii ugu danbeeyey