Saturday, June 5, 2010

Brof Dalxa “waa wax aan hore loo arag arinta maanta dhacday”


Brof Dalxa “waa wax aan hore loo arag arinta maanta dhacday”
Brof Maxa’ed cumar Dalxa oo wali sheeganaya in uu yahay gudoomiye ku xigeenka Koowaad ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa sharci daro kiu tilmaamay doorashada maanta la doortay gudoomiye ku xigeenka baarlamaanka.

Dalxa ayaa arin aan hore loo arag ku tilmaamay arinta maanta ka dhacaday guriga umadda ee magaalada Muqdisho isagoo ula jeeday doorashada gudoonka baarlamaanka.

Brofesoorka ayaa beeniyay hadal saaka kasoo yeeray gudoomiyaha gudiga doorashada gudoonka baarlamaanka oo ahaa in maxkamadda sare ay fasaxday doorashada, waxa uuna shegay in Xaaji Shukri arintaasi lagula xisaabtami doono.

Dalxa ayaa sheegay in maxkamada sare uu wali go’aankeedu yahay in la joojiyo doorashada gudoomiye ku xigeenada baarlamaanka, isagoo sheegay in isagana uu kawar sugayo maxkamadda.

Brof Dalxa ayaa ciidamada booliska dowladda KMG ku eedeeyay in ay maanta ka hor istaageen kursigiisa.

Hadalka kasoo yeeray Brof Maxa’ed Cumar Dalxa aya kusoo beegmay saacado un kadib markii xubnaha baarlamaanka Soomaaliya ay doorteen gudoomiye ku xigeenka koowaad ee baarlamaanka.

Dhinaca kale xeer ilaaliyaha guud ee qaranka ayaa sharci daro ku tilmaamay doorashada maanta dhacday

0 Ra'yi ka dhiibo:

Post a Comment

Halkaan Ku cabbir Ra'yigaaga adoon cidna duraynin.

Astaanta Horyaal Waa Hiigsiga Nabadda Soomaaliya

Bashir Dahir Dhabayaco allhoryaal Copyright © 2007-2016

.

wararkii ugu danbeeyey