Sunday, June 6, 2010

Kenya Oo Sheegtay In ay Ka Hortagayso Weerarkasta oo Uga Yimaada Al-Shabaab

Guddoomiyaha gobolka Waqooyi Bari ee Kenya David Ole Serian ayaa ka hadlay weerar dhowaan maleeshiyo taabacsan Xarakadda Al-Shabaab ay kusoo qaadeen qaybo ka mid ah gobolkaas gaar ahaan tuulooyin ku yaalla xadka Soomaaliya iyo Kenya oo ay ku dhaawaceen inka badan 5-qof.

Wuxuu sheegay weerarkaas ka dib maamulka gobolka Waqooyi Bari uu heegan geliyay amniga xadka Soomaaliya ula wadaago,ayadoo Ciidamada Amniga ay howlgalo ay kusoo sugayaan amniga sameyaan.

”..Dadkeena in sabab la’aan u cabsadaan ma ahaan.Ciidankeena amaan heegan aad u sareeya ayay ku jiraan,waanu difaaci doona dalkeena.qayb ka mid ah wadankeena ma noqon doono goob ka socda dagaalka Soomaaliya..”,ayuu yiri xilli ula hadlaayay Wakaalada wararka ee Reuters isagoo xusay in ay ka hortagi doonaan weerar weliba oo kaga yimaada xarakadda Al-Shabaab.

Dadweynaha degan aaga xadka ayaa ka cabsi qaba in iska horimaadyo iyo dagaalo ay halkaas ka dhacaan oo u dhaxeeya dhinacyada isku haya Siyaasada Soomaaliya,xilli gobolka Gedo ay ka socdaan dhaq dhaqaaq ciidan.

Qaar ka mid ah dadka ayaa ka barakacay magaalooyinka Mandera iyo Ceelwaaq,waxaana ay u guureen tuulooyin ka fog goobahaas si ay ugu nagaadaan inta xiisaddani ka dagayso.

ALLHORYAAL
NBI-Kenya

0 Ra'yi ka dhiibo:

Post a Comment

Halkaan Ku cabbir Ra'yigaaga adoon cidna duraynin.

Astaanta Horyaal Waa Hiigsiga Nabadda Soomaaliya

Bashir Dahir Dhabayaco allhoryaal Copyright © 2007-2016

.

wararkii ugu danbeeyey