Saturday, June 5, 2010

Taageerayaasha Xisbiga kulmiye oo bilabay ololaha doorashada Somaliland‏

Taageerayaasha Xisbiga Mucaaradka ah ee kulmiye oo maanta bilaabay ololaha udiyaar garowga doorashada madaxweyna nimada maamulka somaliland oo lagu wado inay dhacdo 26ka bisha june.

Waxaa Maanta kabilowday Magaalooyin badan oo kamid ah Somaliland isusoo baxyo balaaran oo ay wadaan Taageerayaasha Xisbiga Kulmiye
Waxaa Magaalooyinka Hargaysa, Burco, Boorame iyo Laascaanood ka dhacay munaasabado waaweyn oo ay soo Qaban qaabiyeen madaxda iyo Taageerayaasha Xisbiga kulmiye taa soo ay ugu baaqayaan dadku inaay doortaan.

Waxaana maanta magaalada Laascaanood ee Xarunta gobolka Sool ka dhacay munaasabad ay Taageerashaaya Kulmiye isugu yimaadeen Dowlada hoose ee laascaanood waxaana halkas dadkii isugu soo baxay kala hadlay masuuliyiin katirsan xisbiga mucaaradkee kulmiye oo uu kamid yahay Cabdi waaxid Cabdiqaadir oo ugu baaqay dadka Reer laascaanood inay codkooda siiyaan xisbigooda waxayna
socdaal kusoo mareer magaloyinka Adhicadeeye iyo Yagoori halkaasoo sidiiran loogu soo dhaweeyay
hase ahaaye waxaan laga dareemin ololahaas magaloyinka Badhan Hadaaftimo Laasqoray Xudun iyo Taleex oo iyagu ah magaalooyinka ay wali daganayn xaaladddooda ka tirsanaan ahaan maamullada bacdamaa ay sannadihii ugu danbeyey siyaasad ahaan isku hayeen labada maamul ee somaliland iyo Puntland. isagoo shacabka badankiisu uu u hanqaltaagayo si ay usameeystaan maamul gooniya waa sida waayahaan danbe la shaacinayaye.

sidoo kale waxaan ololahaasi gabi ahaanba laga dareemin gobolka Cayn

Maalinimadii shalay ayaa sida noo kale waxaa ololahooda kasameeyay gobolla badan Xisbiga Talada haya ee udub Waxaana barri lagu wadaa inay isu soo baxaan Taageerayaasha Xisbiga Ucid.

By: dhabayaco
Melb-Australia

0 Ra'yi ka dhiibo:

Post a Comment

Halkaan Ku cabbir Ra'yigaaga adoon cidna duraynin.

Astaanta Horyaal Waa Hiigsiga Nabadda Soomaaliya

Bashir Dahir Dhabayaco allhoryaal Copyright © 2007-2016

.

wararkii ugu danbeeyey