Sunday, June 6, 2010

kulan u dhaxeeya Masuuliyin ka tirsan Puntland iyo Saraakil Itoobiyaan ah Oo Ka dhacay Duleedka Buuhoodle

Masuuliyin ka socota maamulka Puntland oo isugu jira Wasiiro,Xildhibaano,maamulka gobolka Ceyn ee Puntland iyo Saraakiil ka socotay Dowladda Itoobiya ayaa maanta kulan ku yeeshay xero ay iska leeyihin Ciidamada Itoobiya oo ku taalla xad beenedka ay wadaagaan Itoobiya iyo degmada Buuhoodle,wuxuuna kulankaasi socday inka badan labo saacadood.

Guddoomiye kuxigeenka gobolka Ceyn ee Puntland Maxamuud Sheikh Cumar oo u waramayay saxaafadda kulankaasi ka dib ayaa sheegay in masuuliyinta ka qaybgashay ay hor kacayeen Wasiirka Kallumaysiga iyo Kheyraadka Badda Puntland Maxamed Faarax Aadan iyo Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Baarlamaanka Puntland Xaaji Xuseen Yaasin.

Waxaa uu intaasi ku daray in kulankaasi uu salka ku hayay sidii Dowladda Itoobiya iyo Dowlada Puntland ay uga wada shaqayn lahaayeen amaanka guud ee degmada Buuhoodle isla markaasina labada Dowladood ay isugu xirnaan lahaayeen.

Mudane Maxamuud Sheikh Cumar ayaa sheegay kulankaasi ay ka dambeysay ka dib markii dadweynaha ku nool degmada Buuhoodle uu ku batay tuhun ah in Ciidamada Itoobiya ay dib khasaare ugu geysan doonaan dadweynaha ku nool halkaasi.

“..Waxaa ay nala qaateen saraakiisha Itoobiya in ay nagala shaqayn doonaan amaanka degmada Buuhoodle ee gobolka Cayn,waxaana jiri doona kulamo kan dhigiisa ah oo aanu wada qaadan doono..”ayuu yiri.

Mar la waydiiyey in kulankaasi lagu soo hadal qaaday baabuurtii 17 gaaraysay ee ciidamada Itoobiyaanka ka kaxaysteen gudaha degmada Buuhoodle ayaa sheegay in saraakiisha kala socotay Dowlada Itoobiya ay sheegeen in ay aad uga xunyihiin in baabuurtaasi ka kaxaystaan,waxaana guddoomiyuhu uu sheegay in ay u sheegeen saraakiishaasi in amarka ay Dowladda Itoobiya uu amar uga yimi Saraakiisha ka sareysa.

Sidoo kale wuxuu xusay in masuuliyin ka tirsan Dowladda Puntland ay la xirrireen Dowladda Itoobiya isla markaasina ay isku afgarteen in baaburtaasi dib loogu soo celiyo gacmaha dadkii rayidka ahaa ee iska lahaa baaburtaasi.
ma cadda siyaasadda dhabtaa ee ka danbeeysa imaanshaha iyo ku sugnaanta saraakiishan itoobiyaankaa iyadoo ay ku soo aadamayso waqti haataan maalmo kooban laga joogo waqtigii looga dhawaaqay qunsul itoobiya u fadhiya maamulka P/Land xarunta maamulka ee garoowe.

Allhoryaal
Garoowe

0 Ra'yi ka dhiibo:

Post a Comment

Halkaan Ku cabbir Ra'yigaaga adoon cidna duraynin.

Astaanta Horyaal Waa Hiigsiga Nabadda Soomaaliya

Bashir Dahir Dhabayaco allhoryaal Copyright © 2007-2016

.

wararkii ugu danbeeyey