Tuesday, June 29, 2010

Abaanduulihii Ciidanka Daraawiishta Puntland Oo Ku Geeriyooday Shil Gaari

shil gaari oo uu ku dhintay Abaanduulihii Ciidanka Daraawiishta P/land (29/06/10)Abaandulihii Ciidanka Daraawiishta Dowladda Puntland Allahu naxriiste Col.Maxamed Salaad Warsame ayaa ku geeriyooday shil gaari ka dhacay meel u dhow degmada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar.

Guddoomiye kuxigeenka gobolka Karkaar Yoonis Cali Faarax oo la hadlay warbaahinta maxalligaa ee boosaaso goor dhowayd ayaa sheegay in shilkaas gaari uu ka dhacay tuulada Adisoone oo dhowr iyo toban kilomitir u jirta degmada Qardho.

Meydka Taliyaha ayaa waxaa daqiiqado ka hor la gaarsiiyey Isbitaalka degmada Qardho oo halkaas yaallo,waxaana aan la ogeyn sababaha rasmiga ah ee ka dambeysay shilkaas gaari.

Shilka ayaa sidoo kale waxaa ku dhaawacmay labo ka mid ah askarta la socotay Abaanduulaha iyo dareewalka gaariga ula socday oo laga deyrinaayo xaaladiisa caafimaad oo ah mid liidata.

Wararka ayaa sheegaaya in Abaanduulaha iyo Ciidan la socday ay kusii jeedeen degaanka Uurjire ee gobolka Karkaar halkaas oo uu ka dhacay dagaal Beeleed sababay dhimasho iyo dhaawac oo u dhaxeeyey labo beelo oo walaalo ah.

allhoryal
boosaaso- somalia

0 Ra'yi ka dhiibo:

Post a Comment

Halkaan Ku cabbir Ra'yigaaga adoon cidna duraynin.

Astaanta Horyaal Waa Hiigsiga Nabadda Soomaaliya

Bashir Dahir Dhabayaco allhoryaal Copyright © 2007-2016

.

wararkii ugu danbeeyey