Monday, June 7, 2010

Madaxweynaha Soomaaliya Shiikh Shariif oo Dalacsiiyey Saraakiil Mileteriga Ka Tirsan

Madaxweynaha dawladda ku meelgaarka ah ee Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed ayaa maanta derajooyin ku xirey 87 sarkaal oo ka tirsan ciidanka xooga dalka Soomaaliya, kuwaas oo la sheegay in ay muteysteen in la dalacsiiyo.

Saraakiishan ayaa waxaa dhawaan u soo dhamaadey tababar dhanka ciidanka ah.

Munaasabada saraakiisha lagu dalacsiiyey ayaa waxaa ka hadley Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliya Gen.Kaahiye, waxaana uu amaan u jeediyey saraakiisha cusub, sidoo kale waxa uu mahad u celiyey Madaxweyha, derajooyinka uu siiyey ciidanka.

Madaxweyne Shariif oo goobta ka hadley ayaa saraakiisha ugu baaqey in ay ka soo baxaan hawlaha shaqo ee horyaala, isla markaana dalka ka saaraan amni xumada haysata.

Madaxweynaha dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa shirkii ka dhacay dalka Turkiga ka sheegay in Dawladiisu haystao ciidamo gaaraya 7000 oo askeri, inkasta oo Dawladdu ay ka taliso qaybo yar oo ka mid ah magaalada Muqdisho, waxaana dagaalo ay kula jirtaa kooxaha al-Shabaab iyo Xisbul Islaam kuwaas oo ka taliyo qaybo badan oo ka mid ah Koonfurta Soomaaliya.

Allhoryaal
muqdisho

0 Ra'yi ka dhiibo:

Post a Comment

Halkaan Ku cabbir Ra'yigaaga adoon cidna duraynin.

Astaanta Horyaal Waa Hiigsiga Nabadda Soomaaliya

Bashir Dahir Dhabayaco allhoryaal Copyright © 2007-2016

.

wararkii ugu danbeeyey