Monday, June 7, 2010

Dab Qabsaday Xero Qaxooti Oo Ku Yaalla Bosaaso (Sawiro)


Waxaa saaka dab xoogan qabsaday mid ka mid ah xeryaha qaxootiga ee ku yaalla magaalada Bosaaso halkaas oo ay deganyihin dad kasoo barakacay dagaalada ka soconaaya gobolada Koonfureed ee dalka.

Dabka ayaa ka kacay qaybo ka mid ah xerada Buulo Eelay oo ku yaalla Bariga Magaalada Bosaaso,waxaana uu socday mudo ku dhow 15-daqiiqo sida ay Horseed Media u sheegeen dad goobjoogeyaal oo ay kula kulantay halkaasi.

Dadweynaha ku dhaqan xaafadaha ka agdhow xeradaas ayaa gurmad xoogan soo bixiyey,waxaana ay ku guuleysteen in ay si wadajir ah u damiyaan dabka oo laga cabsi qabay inuu u si fido xaafadaha kale.


Masuuliyin ka tirsan degmada Bosaaso oo u horkacaayay Duqa magaalada Maxamuud Faarax Beeldaaje ayaa daqiiqado ka dib booqasho ku gaaray xerada,waxaana ay kormeer ku sameyeen saamaynta dabka u dhaliyey iyagoo ay la kulmeen dadka guryahooda ka gubteen.

Duqa oo goobta kula hadlay Warbaahinta Horseed Media ayaa ka codsaday Hay’addaha Samafalka iyo dhamaan ganacsatada in ay u soo gargaaran dadka ku waxyeeloobay dabkaan isla markaana guryahoodi ay gubteen.

Qaar ka mid ah dadkaasi oo aan la kulanay ayaa inoo sheegay in qiyaastii ku dhowaad 100-guri ay gubteen iyo alaabo kala duwan oo u yaalay,waxaana ay codsadeen in gargaar loo keeno.

Ilaa iyo hada lama yaqaano sababaha rasmiga ee ka dambeysay dabkaan ka kacay xerada qaxootiga Buulo Eelay qayb ka mid ah,waxaana xilliyada xagaaga ama kuleylaha markii lasoo gaaro ee magaalada Bosaaso inta badan xeryaha qaxootiga ka kaca dab xoogan ayadoo loo aaneeyo dabaylaha socda haatan.

Allhoryaal
Bosaso

0 Ra'yi ka dhiibo:

Post a Comment

Halkaan Ku cabbir Ra'yigaaga adoon cidna duraynin.

Astaanta Horyaal Waa Hiigsiga Nabadda Soomaaliya

Bashir Dahir Dhabayaco allhoryaal Copyright © 2007-2016

.

wararkii ugu danbeeyey