Saturday, June 5, 2010

Guddoomiye Kuxigeenka 1aad ee Baarlamaanka Soomaaliya Oo La Doortey


Mudaneyaasha Baarlamaanka Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa goor dhow soo gaba gabeeyey doorashada Guddoomiye kuxigeenka koowaad ee Baarlamaanka oo maanta lagu qabtay guriga golaha Shacabka ee magaalada Muqdisho.

Xilkaas ayaa waxaa u tartamaayay musharixin badan,balse waxaa tartanka doorashada ka muuqanaayay labo Xildhibaano oo kala ah Xildhibaan Cabdiweli Sheikh Ibraahim Muudey iyo Xildhibaanad Khadiijo Maxamed Diiriye.

Doorashada ayaa gaartay wejiga saddexaad oo lagu kala baxay,waxaana isku soo haray xilligaasi Xildhibaanad Khadiijo iyo Xildhibaan Cabdiweli Sheikh Ibraahim.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xassan ayaa ku dhawaaqey natiijada kama dambeysta ee doorashada,wuxuuna sheegay in xilka Guddoomiye kuxigeenka koowaad uu ku guuleystay Xildhibaan Cabdiweli Sheikh Ibraahim Muudeey oo helay 192-cod halka ay kaalinta labaad gashey Xildhibaanad Khadiijo Maxamed Diiriye oo heshay iyadu 130-cod.

Doorashada ayaa inta badan hogaamineysay Xildhibaanad Khadiijo Maxamed Diiriye oo loo saadalinaayay in ay ku guuleysan doonto xilkaas.

Labada Musharixin oo isku soo haray wareega saddexaad ee doorashada oo goobtaa ka hadlay natiijada ka dib ayaa soo dhoweeyey qaabka ay doorashada u dhacdey.

Maalinimada berito ayaa lagu wada in sidoo kale la qabto doorashada Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Baarlamaanka oo ay ku tartamayaan Musharixin badan.

Xilka Guddoomiye Kuxigeenka koowaad ayaa waxaa ahaa Prof:Maxamed Cumar Dalxa kaas oo maanta cambaareyey doorashada kuna tilmaamay mid sharci darro ah una yahay Guddoomiyaha sharciga ah.

0 Ra'yi ka dhiibo:

Post a Comment

Halkaan Ku cabbir Ra'yigaaga adoon cidna duraynin.

Astaanta Horyaal Waa Hiigsiga Nabadda Soomaaliya

Bashir Dahir Dhabayaco allhoryaal Copyright © 2007-2016

.

wararkii ugu danbeeyey