Tuesday, June 22, 2010

500 arday ayaa ufariistay imtixaanka Jaamacadda East Africa

500 arday ayaa u fariistay imtixaanka sanadkaan Jaamacadda

East Africa ee magaalada garoowe

Jaamacadda East Africa qaybteeda Garowe ayaa soo gabagabaysay sannad-dugsiyeedkii ugu horreeyay ee ka soo wareegay markii jaamacadda la furay sannadkii hore.

Jaamacaddan oo ka kooban afar laamood iyo qaybo lagu barto luqadaha waxaa wax ka barta arday fara badan oo ka kala yimid gobollo kala duwan.

Madaxa Jaamacadda Sh. Maxamuud Xaaji Yusuf oo u warramay warbaahinta ayaa waxaa uu sheegay in imtixaankii ugu dambeeyay ee sannad-dugsiyeedka jaamacadda ay u fariisteen arday ka badan 500 oo qayb ka ah laamaha ama kulliyadaha jaamacadda oo ah afarta kulliyadood ee shareecada, garsoorka, computer sayniska, iyo kuliyadda ganacsiga.Maxamud Xaaji Yusuf wuxuu tilmaamay in sannadkii la soo dhaafay uu ahaa tijaabo adag oo ay jaamacaddu ku guulaysatay isagoo taas ku fasiray in qorshihii jaamacadda ee sannadkii ay jirtay uu u fulay sidii loogu talagalay taas oo ka dhalatay dadaal laxaad leh oo ay sameeyeen maamulka, macallimiinta iyo ardayda jaamacadda.

Madaxa jaamacadda oo ka hadlay qaybta garsoorka wuxuu sheegay inay tahay qaybtii ugu horraysay ee nooceeda ah ee laga furo Puntland isagoo taas sababab uga dhigay inay ka dhalatay baahida xooggan ee ay bulshadu u qabto dhinaca garsoorka waxaana ku talagalku yahay in kulliyaddani ay soo saarto garsoorayaal aqoon iyo khibrad u leh dhinaca garsoorka oo buuxiya baahida garsoorka.

Isagoo ka hadlayay mustaqbalka dhow madaxa jaamacadda East africa qaybta Garowe wuxuu tilmaamay inay rajo wanaagsan ka qabaan inay jaamacadda ku soo kordhiyaan kulliyado cusub taas oo uu sheegay inay ku xiran tahay awoodda jaamacadda iyo sida ay ugu diyaar garowdo marka wadatashi ay ka yeeshaan madaxda sare ee jaamacadda iyo laanta Garowe.
Allhoryaal
Garowe - somalia

0 Ra'yi ka dhiibo:

Post a Comment

Halkaan Ku cabbir Ra'yigaaga adoon cidna duraynin.

Astaanta Horyaal Waa Hiigsiga Nabadda Soomaaliya

Bashir Dahir Dhabayaco allhoryaal Copyright © 2007-2016

.

wararkii ugu danbeeyey