Monday, June 7, 2010

Soomaali badan oo ka qayb qaatey mudaaharaad looga soo horjeedo Israel, oo ka dhacay London


Waxaa lagu qabtey magaalada London banaanbax looga soo horjeedo falkii foosha xumaa ee ay geysteen ciidamada Israel ee commandos ah’ falkaa oo ay la beegsadeen markabkii FOTILA.

Ciidamada Israel ayaa xasuuq arxan daro ah u geystay qaar kamid ah dadkii mutadawiciinta ahaa ee ka kala yimid dunida daafheeda, markabka FOTILA oo ay saarneeyeen mucaawino iyo gar-gaar kala duwan ayaa lagu weerarey biyaha caalamiga iyadoo caalamku la yaabeen sababta ku qasbtey ciidamada Israel falkan foosha xun.

Hadaba Mudaharaadkan ayaa ka bilowdey xafiiska Raisal-wasaaraha dalka N10,Dowining Street iyadoo dadku socod ku mareen bartmaha London ayaa ku dhamaadey safaaradda Israel ee ku taala Kensington dadweynaha ka qeyb qaatey banaanbaxan ayaa lagu qiyaasey 300,000 oo qof.

Dadkan oo isugu jirey waayeel dhalinyaro iyo caruur ayaa hadana kala ahaa dadweyne kala midab duwan kala diimo duwan balse yoolkoodu ahaa Free Gaza iyo in shacabka reer United Kingdom ay ka xun yihiin dhibka lagu hayo shacabka Falastiin iyo cuna-qabateynta saran oo aan la isweydiin sababta loo saarey iyo cadaalad xumida lagu hayo shacabka Falstiin.

Hadaba banaanbaxan oo ay ka hadleen siyaasiyiin caan ka ah dalkan Ingriiska sida Tony Ben oo horey u ahaa wasiir kana tirsanaa xisbiga Labour iyo Jorge Galloway oo isagu ahaan jirey xildhibaan caan ka ah dunida kana mid ah dadka u ololeeya arimaha Falstiin iyo rag ay kamid ahaayeen Jeremy Corbyn Yvonne Ridley oo horey u aheyd wariye iyo dadweyne caan ka ah dalkan Great Britain, dadkaas oo kaliya ma aheyn dadkii Hadley waxaa sidoo kale Hadley dadyow kamid dadkii saarnaa markabka FOTILLA iyo qarabaadii ey ka geeriyoodeen dadkii Turkey ahaa.

Mudaharaadkan ayaa ku soo beegmaya xili dowladaha caalamka iyo UN ey dhaleeceynayaan falka ey qaadeen ciidanka Israel maanta mar ay wareystay TV BBC afhayeenka dowlada Israel Mark Ragev ayuu ku micneeyay talaabada ay qaadeen ciidanka Israel mid ey naftooda ku difaacayeen waxana uu sheegay in dowladiisu aysan ka bixin doonin raali galin waxana uu sheegay in lagu soo duulay nabada Israel iyo shacbka, hadaba shacabkii ka qeyb galey ayaa waxaa kamid ahaa jaaliyada Soomaalida ee UK waxaan sidoo kale nasiib u yeeshay haween aad u waayeel ah kuwaaso qeybtood ka yimi gobolada iyo caruur dhalinyaro waxana ey kuligood ii sheegeen iney ka xunyihiin dhibka lagu hayo shacabka Falstiin.

Allhoryaal
London UK

0 Ra'yi ka dhiibo:

Post a Comment

Halkaan Ku cabbir Ra'yigaaga adoon cidna duraynin.

Astaanta Horyaal Waa Hiigsiga Nabadda Soomaaliya

Bashir Dahir Dhabayaco allhoryaal Copyright © 2007-2016

.

wararkii ugu danbeeyey