Tuesday, June 8, 2010

Hay’ada Nedsom oo dhalinyaradda Somalida KULAN U QABATAY

June 9, 2010 Hay’ada Soomaalida dalka Holland ee Nedsom ayaa kulan balaaran ee ku aadan Dhalinyaradda Soomaalida ku qabatay magaalada Hague ee xarunta Dowlada Holland, kulankaasi oo looga hadlay arrimaha Soomaalida ku dhaqan dalka Holland iyo doorashooyinka dhacaya maanta oo Arbaco ah.

Kulankan oo ka dhacday Xarunta Concordia ee magaalada The Hague ayaa waxaa kasoo qeyb galay boqolaal dhalinyaradda Soomaalida ah ee dalka Holland ku dhaqan iyo waliba Wakiilada ka socda Xisbiyada Siyaasada ee dalka Holland ee hada xukuumada u tartamaya.

Kulankan oo ah mid sanadle ah oo ay Hay’ada Nedsom qabato ayaa looga hadlaa xaalada Soomaalida ku dhaqan dalka Holland, arrimaha bulshada Holland ee saameynta ku yeelan kara Soomaalida iyo ajaanibta iyo waliba xaalada dalka Soomaaliya, ayaa ah mid kamid ah fursadaha ay dhalinyarada Soomaalida ku kulmaan isla markaana uga doodaan xaaladaha dalka Soomaaliya ka jira.

Dhalinyarada ayaa sidoo kale intuu kulankan socday ka qeyb qaatay siminaaro goobo kala gedisan oo isla xaruntaasi ah lagu qabtay oo looga hadlayey qaarkood, Shaqo raadinta oo laga caawinayey dhalinta Soomaalida, Dib u dhiska iyo wax u qabashada dalkii Hooyo ee Soomaaliya iyo waliba Siminaar sadexaad oo looga hadlayey Dhaqan iyo hidaha Soomaalida.

Xisbiyada Siyaasada

Kulanka ayey kasoo qeyb galeen Sadexda Xisbi ee kamdi ah kuwa ugu waaweyn ee tartanka ugu jira doorashooyinka Baarlamaanka iyo Xukuumada dalka Holland, kuwaasi oo dhamaantood codsaday Soomaalida inay codkooda siiyaan, xisbiyadaasi ayaa waxaa kamid ah Xisbiga Shaqaalaha PvdA, VVD, D66 iyo waliba Xisbiga cusub ee Islamic Democrat oo ah xisbigii ugu horeeyey oo laga dhiso dalka Holland oo muslimiin sameystaan.

Sagal Yassin oo kamid ah mas’uuliyiinta Hay’ada Nedsom ayaa sheegtay in kulankan saldhigiisu yahay isku xirka dhalinta Soomaalida ah ee ku dhaqan dalka Holland, kuwaasi oo kasoo kala jeeda dhamaan gobalada Soomaalida ayagoo sidoo kale ka dooday doorashooyinka dalka Holland, xaaladaha Soomaaliya xiligan ka jiran ee Siyaasadeed iyo arrimaha bini’aadamnimo.

“Dhalinyarada Soomaalida oo intooda badan kusoo koray dalkan Holland, intooda badan waxaa muuqata inay yihiin kuwo la socda xaalada dalka Soomaaliya, halka kuwo badan ku haminayaan inay dalkooda hooyo wax u qabtaan…

dhalintana waxaa la oron karaa wax badan bay uga gedisan yihiin waalidiintooda, marka la yiraaho dhanka fikirka siyaasadeed iyo waliba aragtidooda ku aadan dalkooda hooyo ee Soomaaliya…. arrintan ayaa rajo u ah Soomaalida Holland sidii ay wax u wada qabsan lahaayeen waxna ugu qaban lahaayeen dalkooda…” ayuu yiri Mahad Muse Axmed oo ah Xiriiriyaha guud ee Hay’ada Nedsom ee dalka Holland.

Kulankan ayaa intuu socday waxaa lagu soo bandhigay Ruwaayado ka hadlaya dhaqanka Soomaalida, doodo guud oo ay dhalinyarada uga hadleen isbedalada ka jira dalalka Holland iyo Soomaaliya.

maahan markii ugu horeysay ee dhalinyaro soomaali ah oo qurba joog ahi ay dhaqanka iyo isku xirka ku qabtaan meel ka baxsan wadankooda soomaaliya .

bilihii la soo dhaafay ayay ahayd dhalinyarada jaamacadaha ka dhigta wadama bakistan iyo maleshiya ay koob ku qaadeen dhaqamada iyo cuntooyinka ardada kale ay la wadaagayeen.

Allhoryaal
HOLAN-NATHERLAND

0 Ra'yi ka dhiibo:

Post a Comment

Halkaan Ku cabbir Ra'yigaaga adoon cidna duraynin.

Astaanta Horyaal Waa Hiigsiga Nabadda Soomaaliya

Bashir Dahir Dhabayaco allhoryaal Copyright © 2007-2016

.

wararkii ugu danbeeyey