Tuesday, June 8, 2010

Joe Biden iyo booqashadiisa kenya

Madaxweyne ku xigeenka waddanka Mareykanka Joe Biden ayaa laba maalmood oo booqasho ah uga bilaabatay Kenya.
Joe Biden waxaa lagu wadaa inuu la kulmo Madaxweynaha Waddanka Kenya Mwai Kibaki iyo Raiisul Wasaaraha Raila Odinga.

Arrimaha ay ka wada hadli doonaan waxa ay u badan yihiin kuwa gobolka, gaar ahaan xaaladda ammaan iyo bini'aadanimo ee sii xumaaneysa ee waddanka deriska ah ee Soomaaliya.

Madaxweyne ku xigeenka Mareykanka waxaa la filayaa inuu cadaadis ku saaro dowladda Kenya inay dhaqan geliso isbeddel siyaasadeed, kadib rabshadihii ka dhacay doorashooyinkii la isku khilaafay ee Kenya laba sano ka hor.

Mr Biden ayaa socdaalkiisa uu ku marayo qaaradda Afrika waxa toddobaadka dabayaaqadiisa uu ku soo gabagabeyn doonaa Koonfura Afrika, halkaasi oo ay ka dhacayso ciyaarta kubadda cagta ee koobka aduunka ee sanadkaan isla markaana uu ka qeybgali doono cayaarta Mareykanka ugu horeysa ee ay koobka adduunka la leeyihiin England.

Allhoryaal
Kenya

0 Ra'yi ka dhiibo:

Post a Comment

Halkaan Ku cabbir Ra'yigaaga adoon cidna duraynin.

Astaanta Horyaal Waa Hiigsiga Nabadda Soomaaliya

Bashir Dahir Dhabayaco allhoryaal Copyright © 2007-2016

.

wararkii ugu danbeeyey