Monday, June 7, 2010

Sarkaal Lagu Dilay Degmada Xarfo Ee Gobolka Mudug.

Guddoomiyaha degmada Xarfo ee Gobolka Mudug Cabdulaahi Faarax Bayle oo u waramayay warbaahinta maxaligaa ayaa sheegay in dilka marxuumka geeriyooday oo lagu magacaabi jiray Cali Aadan Diiriye Dhabarle uu yimi ka dib markii laba nin oo hubaysan ay rasaas madaxa kala beegsadeenay shaly galinkii dambe,xilli uu ku sugnaa gudaha degmada Xarfo ee Gobolka Mudug.

Cabdulaahi Faarax ayaa sheegay in kooxahaasi markii dilka ay gaysteen ay isaga baxsadeen goobtaasi,isla markaasina Ciidamada amaanka degmada xarfo iyo kuwa daraawiishata Puntland ay waqtigan ku daba jiraan gacan ku dhiiglayashaasi.

Waxaa uu intaasi ku daray in uusan garan karin sababta ka dambaysa dilka marxuumka geeriyooday,waxaana uu xusay guddoomiyuhu in Gaashaanle Cali Aadn Diiriye uu ka mid ahaa dadka Deegaanka loogu jecel yahay.

“…Sarkaalka geeriyooday waxaa uu muddo ka tirsanaa ciidanka daraawiisha ee ku sugnaa xerada Abqaala ee degmada Xarfo ee Gobolka Mudug kuwoodii ugu horeeyay,waxaana uu ka mid haa dadka deegaanka kuwa ugu wanaagsan..”Ayuu yiri.

Ciidamada amaanka gobolka Mudug iyo kuwa daraawiishata ee Puntland ayaa baadi goob ugu jira sidii ay gacanta ugu soo dhigi lahaayeen gacan ku dhiiglayaashaasi.

Si kastaba ha ahaatee waa Saarkaalkii ugu horeeyay ee ka tirsanaa ciidamada daraawiishta puntland oo lagu dilo degmada Xarfo oo horay loo oranjiray jiray Buuryaqab Ee Gobolka Mudug.

Allhoryaal
GAALKACYO

0 Ra'yi ka dhiibo:

Post a Comment

Halkaan Ku cabbir Ra'yigaaga adoon cidna duraynin.

Astaanta Horyaal Waa Hiigsiga Nabadda Soomaaliya

Bashir Dahir Dhabayaco allhoryaal Copyright © 2007-2016

.

wararkii ugu danbeeyey