Friday, December 24, 2010

Amiirka Qadar oo laga codsaday inuu Soomaalida dhexdhexaadiyo


(AllH.24/12/2010).Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Qadar ayaa ka codsatay amiirka Qadar Sheekh Xamad BinKhaliifa Al-Taani inuu dhexdhexaadin ka sameeyo dhinacyada isku haaya siyaasadda Soomaaliya.

Sii hayaha safaaradda ahna qunsulka safaaradda Soomaalida ee dalkaasi, Mukhtaar Cali Yuusuf oo horkacaayay jaaliyadda ayaa u sheegay idaacadda Bar-kulan in ay Qadar ku guuleysatay dhexdhexaadin badan oo ay horay uga sameeysay dalal kala duwan, sidaasi daraadeedna ay codsigaani ugu gudbiyeen.


Mukhtaar ayaa intaasi ku daray in xiriirka labada dal uu yahay mid muddo dheer soo jiray, isla markaana ay dowladda Qadar mar kasta ku dadaasho sidii ay u samatabixin lahayd ummadda Soomaaliyeed ee dhibaataysan.

0 Ra'yi ka dhiibo:

Post a Comment

Halkaan Ku cabbir Ra'yigaaga adoon cidna duraynin.

Astaanta Horyaal Waa Hiigsiga Nabadda Soomaaliya

Bashir Dahir Dhabayaco allhoryaal Copyright © 2007-2016

.

wararkii ugu danbeeyey