Thursday, December 16, 2010

Tabbabar Magaalada Bosaaso Uga Furmey Saxaafada Puntland (Sawiro)

Tabbabar ayaa maanta Hoteelka Jubba ee magaalada Bosaaso uga furmey warbaahinta ka howlgasha degaanada Puntland,waxaana tababarka soo qaban qaabisay Ururka MAP iyadoo oo kaashanaysa Hay’ad lagu magacaabo PRESS NOW.
Tababarkaan ayaa waxaa loo qabanaaya Agaasimeyaasha iyo Tifaftireyaasha warbaahinada Puntland,waxaana u socon doona mudo 5-maalmood.
Xogheyaha Ururka MAP Burhaan Axmed Daahir oo ka hadlay furitaanka kulanka ayaa sheegay in ujeedka tababarkaan uu yahay sidii kor loogu qaadi lahaa aqoonta maamulka iyo tifaftireyaasha warbaahinta.
      
                                       
                                     
                                       
 Macalinka tababarkaan bixinaaya oo ka yimid dalka Holland ayaa ugu baaqay dhammaan dadka ka qaybgalaaya tababarkaan in ay ka faa’ideystaan casharada la bixin doono mudada u soconaayo.


Ma ahaan markii u horeysay qaybaha warbaahinta ka howlgasha degaanada Puntland loo qabto tababaro kor loogu qaadayo xirfadahooda.
Horseed Media

0 Ra'yi ka dhiibo:

Post a Comment

Halkaan Ku cabbir Ra'yigaaga adoon cidna duraynin.

Astaanta Horyaal Waa Hiigsiga Nabadda Soomaaliya

Bashir Dahir Dhabayaco allhoryaal Copyright © 2007-2016

.

wararkii ugu danbeeyey