Thursday, December 23, 2010

Dalka Bolivia oo kamid noqday dalalka u Aqoonsaday Falastiin dal Madaxbanaan

Madaxweynaha dalka Bolivia Evo Morales ayaa shaaca ka qaaday in dalkiisa uu u  aqoonsanayo Falastiin Wadan xor ah oo Madax banaan, toddobaad ka dib markii  Brazil iyo argentine ay ka heleen canbaarayn iyo dhaleecayn
 Dalalka Israel iyo Maraykanka,taasi oo uga timid  markii Xildhibaanada Argentine ay qaadeen talaabo tan la mid ah oo ay ku aqoonsanayaan Falastiin dal xor ah.

Madaxweynaha Bolivia ayaa warqad u qoray Madaxweynaha Falastiin Maxamuud Cabaas  uu ku leeyahay in dalkiisu u aqoonsaday filistiin Dal xor ah oo madax banaan oo xadkiisu yahay dhulkii ay yuhuuda ka qabsatay sanadii 1967.

Wadamada reer galbeedka ayaa ku heshiiyey wax kasta oo qeexaya xornimada Falastiin in ay  marka hore ogolaato  Israel ,Dalka Maraykankuna ayaa  had iyo Jeer wuxuu Israel ka difaacaa Qaramada midoobay Golaheeda amaanka.

Aqoonsiga Bolivia waxa uu ku soo beegmay toddobaad ka dib markii argentine iyo Brazil ay u direen beesha caalamka qoraalo ay ku sheegeen in ay aqoonsadeen dal  Falastiin ah oo ay ka mid yihiin Daanta Galbeed iyo Gaza ,kuwaas oo Israel qabsatay sanadkii 1967.

Xukuumadda mareykanka ayaa toddobaadkii la soo dhaafay shaaca ka qaaday in ay ku fashilantay in Israel ay ku qanciso in joojiso dhismaha guryaha sharci darada ah ay ka wado daanta galbeed iyo magaalada Qudus.

Wasiirka arimaha dibada Israel ninka lagu magcaabo Lieberman ayaa sheegay in Israel ay ka go’an tahay in ay sii wado dhistaanka guryaha laga dhisayo degaanada Falastiin.

Madaxweynha Falastiin ayaa isaguna  sheegay in aanu ku laabanayn Wad hadalkii  nabada  ee  Israel ilaa ay ka joojiso Guryaha ay ka dhisayso degaanada Falastiin.

0 Ra'yi ka dhiibo:

Post a Comment

Halkaan Ku cabbir Ra'yigaaga adoon cidna duraynin.

Astaanta Horyaal Waa Hiigsiga Nabadda Soomaaliya

Bashir Dahir Dhabayaco allhoryaal Copyright © 2007-2016

.

wararkii ugu danbeeyey