Tuesday, December 21, 2010

Macalinka Ciyaartoyda Gobolka Hiiraan oo Beeniyay Warar soobaxay

Macalinka Ciyaaryahanada gobolka Hiiraan ee magaalada Garoowe u jooga sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen ciyaaraha gobolada Soomaaliya ee ka socda magaaladaas ayaa beeniyay
 gadood ay ciyaaryahanadiisa sameeyeen.

Waxaa beeninka Macalinka kooxda gobolka Hiiraan ay imaneysaa ka dib markii ay so bexeen in warar sheegaya in maamulka Puntland uusan sidii la rabay u soo dhaweyn kooxda islamarkaana aan looqaban waxii loo baahnaa, taas oo ay qalabka warbaahinta ka sheegeen qaar ka mid ah ciyaartoyda Kooxda.

Waxaa uu sheegay Macalinka in uu siweyn ugu mahad celinayo maamulka Puntland islamarkaana ay siweyn u soo dhaweeyeen isagoo ku tilmaamay soo dhaweynta Maamulka uu u sameeyay Mid VIP ah waa sida uu hadalka u yiriye.

Waxa uu ku tilmaamay hadalada ka soo baxay ciyaaryanahada kooxdiisa in ay tahay mid aan jirin islamarkaana uu jiray Qaladaad la xaliyay oo dhanka ciyaatoyda qaar ka mid ah ku jiray.

Waxaa sidoo kale hadlay Tababare ku xigeenka kooxda gobolka Hiiraan Mr Baxnaan waxaana uu sheegay in uu siweyn uga xunyahay hadaladan soobaxay uuna ka raali gelinayo arimaha la shaaciyay.

Sikastaba ha ahaatee waxaa ay tani imaneysaa xili ciyaaryahan ka tirsan Kooxda gobolka Hiiraan uu la hadlay Barnaamij ka baxa SBC International ee magaalada Bosaso  islamarkaana sheegay in ay ka cabanayaan xaalado soo wajahay ciyaaryahanada gobolka Banaadir.

      Xigasho
SBC-Bosaso

0 Ra'yi ka dhiibo:

Post a Comment

Halkaan Ku cabbir Ra'yigaaga adoon cidna duraynin.

Astaanta Horyaal Waa Hiigsiga Nabadda Soomaaliya

Bashir Dahir Dhabayaco allhoryaal Copyright © 2007-2016

.

wararkii ugu danbeeyey