Thursday, December 23, 2010

Australia: 3 Nin oo Danbiyo Argagixiso lagu Helay waxaana kamida nin Soomaaliya..


Maxkamad ku taala magaalada Melbourne ee xarunta G/Victoria ee Australia ayaa danbi argagixiso ku heshay 3 nin oo midkood Soomaali yahay, sidoo kale siidaysay 2 kale oo Soomaali ah.
Maxkamadda sare ee magaalada Melbourne ee xarunta Gobolka Victoria

ee wadanka Australia ayaa dambiyo ku heshay saddexdaan nin oo ka mid ahaa shan nin oo loo haystay dambiyo la xidhiidha in ay maleegayeen shirqoolo lagu doonayay in ay weerarro argagaxiso ay kaga fuliyaan dalka Australia gaar ahaanna magaalada sydney.


Saddexdan nin ayaa midkood waxaa uu asal ahaan ka soo jeedaa dalka Somalia, halka labada kale ay ka soo jeedaan dalka Lubnaan. Ninka Soomaaliga ah oo da'diisa lagu sheegay 27 jir ayaa lagu magacaabaa Saney Aweys.
Halka labada nin ee kalena  lagu kala magacaabo Wisam Fatal oo 34jir ah iyo Naif al-sayid oo 26jir ah.
Saddexdan nin ayaa loo haystay danbiga ah inay sanadkii hore ee 2009-kii ay doonayeen inay weeraraan saldhig ciidamada Australia ay ku leeyihiin Sydney. Raggan ayaa sheegay inay ka horjeedeen howlgalka ciidamada Australia ay ka wadaan dalka Afghanistan.
Maxkamadda sare ee magaalada Melbourne waxaa ay sii daysay kaddib markii wax dambiyo ah ku wayday laba nin oo kale oo uu asalkoodu Somali yahay oo la kala yidhaahdo Cabdirahman Maxamoud Ahmed oo 26 jir ah iyo Yacquub Khayre oo 23 jir ah.


Bishii 7aad ee sanadkaan ayay ahayd markii loo soo wareejiyay raggaan maxkamadayntooda Maxkamada Melbourne iyadoo markii hore lagu hayay maxkamada magaalada Sydney.
Bashir Dahir Dhabayaco
Melbourne - Australia

0 Ra'yi ka dhiibo:

Post a Comment

Halkaan Ku cabbir Ra'yigaaga adoon cidna duraynin.

Astaanta Horyaal Waa Hiigsiga Nabadda Soomaaliya

Bashir Dahir Dhabayaco allhoryaal Copyright © 2007-2016

.

wararkii ugu danbeeyey