Tuesday, December 21, 2010

Shabeelada Dhexe oo 2-1 ku dirtay Jubada dhexe iyo Sanag oo kaga badisay 2-1 G/Baay

Galabta garoonka Mire Awaare ee uu ka soconayo Koobka gobolada Soomaaliya waxaa ku kulmay 4 Naadi oo min labo u kala ciyaaray.
Inkastoo ay kala dambeeyeen ciyaarihiii Galabta dhacay ayaa tii hore waxay dhexmartay gobolada Shabeelaha dhexe iyo Jubada dhexe
 waxaana Ciyaartaasi oo aheyd ciyaar aad u xiiso badan ay guushii ku raacday 2-1 gobolka Shabeelaha Dhexe.

Shabeellaha dhexe wuxuu noqday gobolkii 2aad ee 6 dhibcood ku soo baxa maadaama kulankii 1aad uu 4-3 kaga soo adkaaday Bakool. Ciyaarta ugu dambeysay waxey la ciyaari doontaa Bari oo 6 dhibcood leh.


Jubbada dhexe wuxuu xaqiijiyay inuu tartanka ka haray markii guuldaradii 2aad ay ku dhacday galabtay, kulankii hore waxaa 2-0 kaga soo adkaatay Bari oo ay ku wada jiraan oo ay ku wada jiraan group C

Waxa sidoo kale ciyaarti dambe ay dhexmartay gobolada Baay iyo Sanaag taas oo iyana aheyd mid aad u xiiso badan waxaana ugu dambeyntii ay ku soo idlaatay guushina ay raacday kooxda gobolka Sanaag 2-1.

Sanaag waxey sidaan ku heshay 3dii dhibcood ee ugu horeysay maxaa yeelay kulankii 1aad waxaa ay 2-1 kaga soo adkaaday Galgaduud,

Sanaag ciyaarta soo socota waxey la ciyaari doontaa Jubbada hoose

Baay iyana kulankii hore waxey bareejo la gashay jubbada hoose oo ay 3-3 ku kala baxeen, waxey sidaa ku leedahay hal dhibic oo kaliyaha, waxeyna ciyaarta ugu dambeysay la ciyaari doontaa Galgaduud oo ay ku wada jiraan Group D.

Ciyaarahaan maanta ee afartaan Gobol ayaa ku soo idlaaday 2-1 oo aad ujeedaan labada gobol inay isku si ku badiyeen walow ay min hal gool kaga baxsadeen gobolka la baratamayay.

Ciyaarahan oo aad u xiiso badan ayaa waxay ku dhow dhowyihiin xiliyadii kala harka iyadoo ay si toos ah u jiraan gobolo ka qulqulay koobka balse waxaa ra'yiyo kala duwan ka muujinaya Shacabka soomaaliyeed ee ku kala dhaqan gobolada Soomaaliya kuwaas oo kuu sheegaya midba midka kale in uu guusha uu rajeynayo.

si kastaba ha ahaatee ciyaarahaan ayaa huwan xiiso aad u ballaaran walow ay wali harsan yihiin is arag wareegaan ah oo loo gudbi doono wareega 3aad ee ciyaaraha gobolada soomaaliya ee ay marti galisay Dowladda P/land.

Beri waxaa wada ciyaari doona Galgaduud Vs Jubbadda Hoose iyo Hiiraan Vs Nugaal.


la arki doone cidda ka soo baxda wareeggaan iyo gobolada ka huleeli doona Garoonka.

Bashir D Dhabayaco
Allhoryaal @ Garoowe

0 Ra'yi ka dhiibo:

Post a Comment

Halkaan Ku cabbir Ra'yigaaga adoon cidna duraynin.

Astaanta Horyaal Waa Hiigsiga Nabadda Soomaaliya

Bashir Dahir Dhabayaco allhoryaal Copyright © 2007-2016

.

wararkii ugu danbeeyey