Friday, December 17, 2010

Isku aadka wareega 16-ka Champion League oo la sameeyay

Waxaa Maanta Magaalada Nyon ee wadankaan Switzerland lagu sameeyay isku aadka wareega 16-ka ee Knock Out loo yaqaan ee koobka horyaalada qaarada yurub.


Xaflad si weyn loo soo qaban qaaabiyay oo ka dhacay magaalada Nyon oo xarun u ah xiriirka kubada cagta ee qaarada Yurub UEFA ayaa waxa lugu dhawaaqay sida ay isugu beegmeen kooxaha u soo gudbay wareega labaad ee tartanka Koobka Horyaalada Yurub.

Hadaba kooxda Arsenal ayaa nasiib waxa ay u yeelatay in ay sanadkii 2aad ee isku xiga la kulanto kooxda caanka ah ee Barcelona oo ka dhisan wadanka Spain.

Arsenal iyo Barcelona ayaa ku balansan ciyaarta hore garoonka Fly Emirates ee magaalada London.

Dhanka kale kooxda difaacaneysa koobka loo tartamayo ee Inter Milan ayaa waxa ay ku beegantay kooxda ka dhisan wadanka Germany ee Bayern Münich.

Labadaan kooxood ayaa isku arkay sanadkii hore ciyaartii kama dabeysta eheed ee koobka horyaalada qaarada yurub xiligaasi oo ay Inter ku guuleesatay koobka Markii ay 2-0 isaga reebtay Bayen Münich.

Hadaba kooxaha ayaa waxa ay isugu aadeen qaabkan

Roma (Italy)               v    Shakhtar(Ukraine)
Milan(Italy)                v    Tottehnam(England)
Valencia(Spain)         v    Schalke(Germany)
Inter(Italy)                   Bayern(Germany)
Lyon(France)              Madrid (Spain)
Arsenal (England)     v    Barcelona(Spain)
Marseille(France)     v     Manchester United(England)

København(Denmark)    v     Chelsea(England)

dhanka kale Agaasimaha kooxda Arsenal ayaa durba sheegay in ay iska difaaci doonaan kooxda Barcelona.

Lugta hore ee tartanka ayaa waxaa lagu wadaa in la ciyaari 8-9 iyo 15’16 bisha March ee sanadka Cusub 2011-ka.

Wadanka Ingriiska ayaa sanadkaan noqday halka ay ka yimaadeen kooxaha ugu badan ee wareega 2aad ee tartanka u soo gudbay.

Cabdiqani Cali Dalmar
riyaale10@hotmail.com
Bern-Switzerland

0 Ra'yi ka dhiibo:

Post a Comment

Halkaan Ku cabbir Ra'yigaaga adoon cidna duraynin.

Astaanta Horyaal Waa Hiigsiga Nabadda Soomaaliya

Bashir Dahir Dhabayaco allhoryaal Copyright © 2007-2016

.

wararkii ugu danbeeyey