Sunday, December 19, 2010

Khilaaf Ka Taagan Xafiiska Soomaaliya Ku Leedahay Qaramada Midoobey

Waxaa maalmihii la soo dhaafey khilaaf ba’an uu ka taagnaa xafiiska Soomaaliya ay ku leedahay Qaramada Midoobey, khilaafkaas oo sababay in booliska nabadgelyada ee magaalada New York uu tago Xafiiska Soomaaliya ku leedahay Qaramada Midoobey.

Ergayga Soomaaliya u fadhiya xarunta Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Dr. Cilmi Ducaale ayaa waxaa magacaabey dawladdii uu madaxweynaha ka ahaa Cabdullaahi Yusuf sanadkii 2005, waxaana ku xigeen looga dhigey Ciid Baddal, laakiin tan iyo markii uu bilowdey khilaafkii u dhexeeyey Nuur Cadde iyo Cabdullaahi Yusuf Axmed ayaa waxa ay saameyn ku yeelatay xafiiska Soomaaliya ee Qaramada Midoobay, kadib markii Madaxweynaha loo doortey Shiikh Shariif Shiikh Axmed ayaa Ciid Baddal oo ahaa ku xigeenka ergayga Qaramada Midoobey Soomaaliya u fadhiya waxaa laga fariisiyey shaqada.

Ciid Baddal ayaa dib ugu soo noqdey fagaaraha New York kadib markii wasaaradda arimaha dibadda loo magacaabey Maxamed Cabdullaahi Oomaar oo Ciid Baddal ay yihiin Saaxiibo aad isugu dhan.

Dr. Cilmi Ducaale oo arintaas ka biyo diidsan ayaa gaarsiiyey khilaafka in uu Booliska nabadgelyada ugu yeero xafiiskooda kadib markii Ciid Baddal uu halkaas tegay, waxaana uu ku macneeyey sababta uu ugu yeeray Booliska in ay sugaan in aan faldanbiyeed halkaas ka dhicin.

Wasiirka Arimaha Dibadda Dawladda Federaalka Maxamed Cabdullaahi Oomaar ayaa artintaas ka caroodey waxaana uu uu warqad u direy Ban-Ki-Moon xogahaya guud ee Qaramada Midoobey, isaga oo ku caddeynaaya in Ciid Baddal uu yahay ninka hoggaamiya ergada Soomaaliya u fadhida Qaramada Midoobey isla markaana ergaygii hore deg-deg u soo galo magaalada Muqdisho, taas oo Dr.Cilmi Axmed uu dhegaha ka fureystey.

Xafiiska Soomaaliya ku leedahay Qaramada Midoobey ayaa ah mid muhimad gaar ah u leh dawladda taagta daran ee Soomaaliya taas oo ku taagan taageerada beesha caalamka, waxaana arintaani muujineysaa in ay tahay caqabadihii u horeeyey ee horyimaadda xukuumadda Raysalwasaare Farmaajo.
Allhoryaal@HMedia

0 Ra'yi ka dhiibo:

Post a Comment

Halkaan Ku cabbir Ra'yigaaga adoon cidna duraynin.

Astaanta Horyaal Waa Hiigsiga Nabadda Soomaaliya

Bashir Dahir Dhabayaco allhoryaal Copyright © 2007-2016

.

wararkii ugu danbeeyey