Wednesday, December 15, 2010

Ciyaaraha G/Soomaaliya :Gobolka Nugaal oo ka badiyey Gobolka Sh/ Hoose

Waxaa daqiiqado ka hor soo gaba gabowday Ciyaartii ugu horeysay ee Koobka Gobolada Soomaaliya oo maanta ka FurmayGaroonka Mire Aware ee magaalada Garoowe
 Xarunta Nugaal ahna Caasimada Dowlada Puntland.
Kulankii ugu horeeyay maanta waxa uu dhexmaray labada gobol ee kala ah Nugaal Vs Shabeelaha Hoose, waxaana ay soo bandhigeen labada gobol ciyaar toydooda Ciyaar aad iyo aad u xiiso badan oo siweyn u cajabisay Daawadayaashii u soo daawashada tagay iyo inta kale ee ka dhageysaneysayba idaacadaha Deegaanada Puntland Siiba Idaacada iyo Tv-ga Caalamiga ah ee SBC iyo Radio Daljir iyo sidookale Horseed Media.
 Qaybti hore ee ciyaarta ayaa kusoo dhamaatay natiijo barbar dhac ah,waxaana markii dambe la iskusoo noqday xulka gobolka Nugaal u suurtagashay in ay dhaliyaan gooshi u horeysay waxaana u saxiixay ciyaaryahankooda lagu magacaabo ‘Yacquub’.
Xulka kubadda cagta ee gobolka Shabeelada Hoose ayaa sameeyey dadaal badan si ay natiijada ciyaarta wax ka bedelaan isla markaana dhaliyaan goosha lagu leeyahay,waxaana sidaas ay guusha ku raacday xulka martigelinaysa ciyaaraha ee gobolka Nugaal oo 1-0 ku badisay.

Ciidamada amaanka ayaa si aad ah u adkeeyey amniga magaalada gaar ahaan agagaarka garoonka kubadda cagta ee Mire Awaare,waxaana ay ciyaartu kusoo dhamaatay jawi degan.
Xulka gobolka Nugaal ayaa haatan horkacaaya group-ka ugu horeeya ee Group A,waxaana ay ku hogaaminaayan saddex dhibcood oo ay galabta soo hoyeen.

Ciyaaraha Beri- Group B- ciyaarta 1-aad waxaa wada ciyaari doonaa Sool iyo Gedo halka ciyaarta 2aad ay ciyaari doonaan Banaadir iyo Mudug
Haddaba la soco qaybaha iyo natiijooyinka ka soo baxa Gobolada kale oo aan idiin soo gudbin doono.
kana bogasho wacan heestii Ku dayo P/land qaybtan hoose ka daawo iyo sawiro ciyaartoyda kamida

0 Ra'yi ka dhiibo:

Post a Comment

Halkaan Ku cabbir Ra'yigaaga adoon cidna duraynin.

Astaanta Horyaal Waa Hiigsiga Nabadda Soomaaliya

Bashir Dahir Dhabayaco allhoryaal Copyright © 2007-2016

.

wararkii ugu danbeeyey