Friday, December 24, 2010

Xusuus Qor: Ciyaaraha Gobolada Soomaaliya “Cubtan Laysu Baaq Ciyaarna Lagu Heshii”.

(December 24, 2010)Ciyaarta kubadda cagta ayaa ah midda loogu xiisaha badan yahay adduunka isla markaana ah luuqada ama lahjadda kulmisa caalamka oo dhan taas oo qof yar iyo qofweynba uu ku hadli karo xiisaha iyo xamaasadda cubtanka ciyaarta ayaa bartamihii bishan Diseember waxa uu ka bilowdey Garoowe iyo damashii Nugaaleed, halkaas oo ay ku kulmeen dhalinyaro ka kala socda qaybaha kala duwan ee Soomaaliya taageerayaal faro badan iyo dhamaan mucashiqiinta kubadda cagta.
Ciyaaraha Gobolada Soomaaliya waxaa bilaabey Kacaankii uu Madaxweynaha ka ahaa Rabbi ha u naxariistee Sareeye Gaas Maxamed Siyaad Barre sanadkii 1972, Gobolada Soomaaliya waqtigaas tiro ahaan way ka yaraayeen 18 gobol, gobolada Sool iyo Awdal gadaal ayaa laga sameeyey.
Qaabka ay u dhici jireen ciyaaruhu ayaa ahaa kuwo kaduwan qaabka hadda loo qabtey, 18-ka gobol waxaa loo qaybin jirey ilaa shan kooxood kuwaas oo la isu raacin jirey qaabka ay deriska u yihiin, tusaale ahaan gobolada Mudug, Galguduud iyo Hiiraan waa ay wada ciyaari jireen waxaana laga rabey in laba gobol u soo baxdo ciyaaraha gobolada ee ka dhacaaya Muqdisho, gobolada Bari, Sanaag Nugaal iyo Sool oo gadaal laga sameeyey waa is arki jireen.

Si kale haddii aan u dhigno gobolka Gedo oo kale marna uma soo bixin in uu ka qaybgalo ciyaaraha gobolada Soomaaliya ee ka dhici jirey Muqdisho waxaana uu ku hari jirey isreebreebka hore, maadaama gobolo aad u culus ay wareega hore isku arki jireen sida Jubada Hoose iyo Baay, kuwaas oo fursad u siin waayey in Gobolka Gedo uu mar cagta dhigo Garoonka Muqdisho Stadium.

Sidoo kale gobolka Bari ayaa kamid ahaa gobolada aan marna saacadda garoonka Muqdisho lagu soo qorin waxaana ay ku hari jireen isreebreebka hore, waxaan xasuustaa sanadkii 1984-tiiiyada oo Togdheer ay ka reebtey ciyaaraha goolal badana ka dhaliyeen, reer Burco oo xifaaltan badnaa ay ku heesayeen ” Ma Boosaasaad ka timid Ma bari hoosaad ka timid Ma soo badi baa is tiri Ma boorkey kugu rogeen,” waxaana ay goolhayihii Gobolka bari u bixiyeen “Been boode”, kadib markii ay ka yaabeen sida uu kubadda isaga daba lalinaayo markii goolku ka dhasho.

Gobolka Bari ayaa markii danbe waxaa u soo gurmadey dhalinyaro ku barbaarey Muqdisho dheeshana si wacan u yaqaan, sanadkaasi waxa uu ahaa 1986, waxaan ka xasuustaa dhalintii wagaas u ciyaareysey Cali Barako, Faarax Xiddig, Jarco, Shaarweyn, Hunnug, Xabeeb, Ismaaciil Buraale, Shinni, Lii Cabdullaahi Deni iyo Maxamuud Yusuf oo Xamar uga yimid iyo innan kale oo ka shaqeyn jirey dekadda Bosaso magaciisina aan u malaynaayo in uu ahaa Cumar.

Sanadkii 1986-dii Gobolka Bari oo markii u horeysey cagta soo dhigey garoonkii weynaa ee Muqdisho Stadium, ayey nasiib u yesheen in ciyaartii u horeysey lagu furo, waxaana ay la ciyaareen Gobolka Waqooyi Galbeed (Hargeysa) oo markaas ahaa gobolka haystey koobka, ciyaartaas mid la yaableh ayey ahayd waxaana gobolka Bari lagu boobsiiyey goolal badan, kuwaas oo xulka Gobolka Waqwooyi uu u saxiixey ninkii bidaarta lahaa ee lagu naaneysi jirey “Dheereeye” maahayn nin kubad xariiftan ah yaqaan laakiin haddii uu lugta la helo hortiisuna banaantahay isaga oo dabaysha ka dheereeya ayuu goolka la geli jirey, dhanka kalena shabaqa uga bixi jirey, waxaana la ii sheegay in uu ka tirsanaa ciidankii xoogga dalka Soomaaliya, sidoo kale waxaan ka xasuustaa ciyaaryahanadii ugu cuslaa gobolka Waqooyi Galbeed daaficii adkaa ee “Diridhaba”, Hargeysa waxa ay Bosaso uga badiyeen 6 : 0, inkasta oo ciyaaryahanada Bari markii danbe wacdaro la soo baxeen waxaana ay barbardhac la galeen BAAY oo waagaas adkeyd waxayna ka badiyeen Shabeelada Dhexe.

Sanadkii 1987-dii oo aan aaminsahay in uu ahaa sanadkii u danbeeyey ee ciyaaraha gobolada la qabto ka hor burburkii Dawladdii Soomaaliya ayaa lahaa xiiso gaar ah, waxaan u soo joogey gobolka Jubada Hoose oo aaminsanaa in kubadda iyaga looga danbeeyo maadaama 8 goor ay noqdeen horyaalka gobolada Soomaaliya, Ciyaartii lagu furey ciyaaraha sanadkii 1987-dii waxay ahayd Jubada Hoose vs Togdheer, waxaan kamid ahaa daawadayaashii ciyaartaas Togdheer waxaa lanbarka 10-aad u sitey nin dheer oo xooggan oo garoonka ka dhexmuuqda timo Afro ah ayuu lahaa, haddiiba kubaddii la baxshey ninkii dheeraa waxa uu si lama filaan ah uga naxsadey Goolhayihii Jubadda Hoose waa Shabeelkii la dhihi jirey Cabdixaq (Cabdi Xaaq), lanbarka 10-aad ee reer Burco bartamaha garoonka ayuu kaga soo gamey kubbad aad u kulul taas oo Cabdi Xaaq ku guuleysan waayey in uu qabto, ciyaartii waxay ku dhamaatey guuldarro soo wajahdey Jubada Hoose, laakiin Lanbarkii 10-aad ee reer Burco oo markii danbe loo baxshey “Qadari” waa laga saarey ciyaaraha maadaama uu haystey dhalasho dalka Qadar ah isla markaana uu u safan jirey Naadiyaasha dalka Qadar.

Sanadkii u danbeeyey ee si habsami leh loo qabto ciyaaraha gobolada Soomaaliya waxaa ciyaartii kama danbeysta oo koobka lagu qaadaayey isugu yimid Gobolada Shabeelada Dhexe (Jowhar) iyo Waqooyi Galbeed (Hargeysa), waxaana koobkaas qaadey Shabeelada Dhexe.Sanadkii 1988-dii waxaa gobolada Waqooyi ee Soomaaliya ka bilowdey dagaaladii ay soo qaadey Jamhaddii SNM, sanadkaas suurta gal ma noqon in la qabto ciyaaraha gobolada sidoo kale sanadkii ku xigey ayaa ahaa mid aan la qaban, waxaana magaalada Muqdisho ka socdey qul-qulatooyin iyo rabshado dad badan lagu xir xirey.
Markii la soo gaarey 1990, bilihii Juun – July ee la qaban jirey ciyaaraha waxaa dawladdu ay sheegtay in sanadkan la qabanaayo Ciyaaraha Gobolada Soomaaliya, magaalada Muqdisho iyo dalka intiisa badan way kala go’naayeen waxaana gobolada dhexe dagaalo ka waday Jamahaddii USC, waxaana lagu tilmaamey ciyaaraha dawladdu ku dhawaaqdey mid arrimo siyaasadeed looga jeedo.

Ma jirin gobolo isa soo reebay, isla markaana lama samayn nidaamkii loo qaban jirey, waxayna ahayd arin siyaasad ay ka danbeyso, waxaan xasuustaa in lagu furey gobolada Shabeelada Dhexe iyo Waqooyi Galbeed, laakiin waxaa la sheegaa in ciyaaryahanada Waqooyi Galbeed (Hargeysa) ay ahaayeen qaar badan oo ka mid ah xulkii Qaranka Soomaaliya oo matalaayey gobolkaas, ciyaartaas rabshad xoogleh ayaa ka dhacdey, waxaan xasuustaa anoo ku sugan meel aan Isbartiimada ka fogeyn in rasaas xoogleh ay ka dhacdey garoonka kadib markii uu halkaas gaarey Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Siyaad Barre oo isagu doonaayey in ciyaaraha siyaasadeysan uu furo, ciyaartaasna waxay noqotey mid lagu kala dareero.Gobolka Jubada Hoose ayaa ahaa gobolka ugu badan ee noqdey horyaalka Gobolada Soomaaliya,16 jeer ee la qabtey waxa uu qaadey koobka kala bar waa sideed jeer, gobolada Banadir, Waqooyi Galbeed iyo Shabeelada Dhexe ayaa sidoo kale noqdey horyaalka gobolada Soomaaliya. Gobolada kale ee aadka ciyaaraha ugu wanaagsanaa waxaakamid ahaa Shabeelada Hoose, Baay,Togdheer,Hiiraan iyo Mudug, waxaa xusid mudan in Gobolka Sool oo la magacaabey sanadkii 1984-tii uu isla sanadkii ku xigey soo gaarey ciyaaraha Muqdisho.

Magaalada Garoowe ee Xarunta Puntland ayaa nasiib u heshay in muddo 23 sano ah kadib ay iyadu noqoto midda marti gelisa ciyaaraha gobolada Soomaaliya, arintaan waxa ay sharaf u tahay magaalada Garoowe iyo guud ahaanba maamulka Puntland, ciyaaraha sanadkan oo abuurey rajo dib u gasha dhalinyradadii dagaaladda lagu aafeeyey, waxaana ay leeyihiin xiiso iyo xamaasad aad u sareysa, Ciyaaraha 18-aad waxyaabo door ah ayey uga duwan yihiin kuwii hore.
Ciyaaraha 18aad ee gobolada Soomaaliya waxaa ka maqan saddex gobol kuwaas oo kala ah Waqooyi Galbeed, (Hargeysa) Togdheer (Burco) iyo Awdal (Boorame), waxaana ay sheegtaan in ay yihiin Dawlad Soomaaliya deris la ah inkasta oo meel adduunka laga aqoonsan yahay aysan jirin, inkasta oo ay wanaagsaneyd in aan ciyaaraha la siyaasadeyn ee ay ka soo qaybgalaan.

15-ka gobol ee ka qaybgalaaya waxaa fursad loo siiyey in ay u tartami karaan Koobka Gobolada Soomaaliya iyaga oo aan soo markin heerka isreebreebka kowaad, sida ay ahaan jirtey waagii hore.

Inkasta oo Qarankii Soomaaliyeed burbur lixaadleh soo gaarey kaas oo xitaa saameyn ku yeeshay qaabka uu u koro jismiga Aadanuhu ayaa la dhihi karaa ciyaaryahanada hadda u safan goboladu waa kuwo da’ahaana ka yar kuwii hore isla markaana jismi ahaan aad u tabar yar.

Dhanka kale meelaha ay uga duwan tahay waxaa kamid ah goboladii ku wacnaan jirey cubtanka iyo ciyaarta sida Banadir, Baay iyo Shabeelada Hoose ayaa u muuqda kuwo ay ka fir-fircoonyihiin goboladii 20 sano nabadda ahaa laakiin waagii hore kubadda looga fiicnaan jirey adduunkuse waa harkaas labadiisa gelin, kooxihii khatarta ahaan jirey Qaarada Yurub sanadihii sideetamaadkii iyo bilowgii Sagaashamaadkii halkee ayey ku danbeeyeen sida kooxdii Maradona ee Napoli ee dalka Talyaaniga ama naadigii Red Star Belgrade.

Maamulka Puntland iyo Ciyaaraha

Reer Garoowe waxa ay muujiyeen gobanimo iyo sharaf kadib markii ay marti geliyeen boqolaal dhalinyaro ah kuwaas oo ciyaaryahano iyo taageerayaal isugu jira, waxa ay u gogleen guryahoodi waxa ay ku sooreen waxay haysteen, waxaana amaantaas mudan shacabka Garoowe

Ciyaaruha waa fagaarayaal la isku arko, waa goobo xifaaltan xiisad iyo xamaasadi ku dheehantahay, waa fursado nabadda looga faa’ideysan karo, waa goobo dhalinta loogu abuuri karo weji ka duwan kii aynu u soo joogney 20kii sano ee la soo dhaafey, aynu wada ciyaarnu macnaheedu waa aynu heshiino waxaana muhim ah in ahmiyad gaar ah la siiyo, sidii loo hormarinlahaa Isbooriga.

In Gobolada oo dhan la gaarsiiyo ciyaaraha, isla markaana agabka la heli karo loo wada qaybiyo, la dhiiri geliyo sidii loo samayn lahaa naadiyaal degmooyinku leeyihiin.

Maxaa la gudboon Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya?

Xiriirka waxaa la gudboon in ay casharo ka qaataan ciyaaraha sanadkan ay ku qabteen Garoowe, waa in ay fursad siiyaan dhalinta ciyaaraha wacan muujisey, isla markaana siiyaan tababarada ay u baahan yihiin fursadna u siiyaan in ay u ciyaaraan Qaranka Soomaaliya, isla markaana dib u eegaan qaabka hadda uu u dhisan yahay xulka Qaranka Soomaaliyeed.

Inkasta oo aan ka sheekeeyey xusuus aan warqad iigu duugneyn waxaa dhici karta in waxyaabaha qaar aan qaldo, waana la sixi karaa wixii qalad ah ee ku jira qormadan kooban, waxaan sanadka danbe u rajaynayaa Ciyaaraha oo hormar weyn ku talaabsata, Garoowe oo loo dhiso Stadium heer wanaagsan ah ileyn waa muteysataye.

Guul Ciyaaraha Gobolada Soomaaliya

“Cilmi Ha Baran, Ciyaarna Habaran Waa Ceeb Aduunkeee”
“Cubtan Ciyaareed, Nimaan Laacibiin Wadan Ciil Kama Baxee”

Xigasho
HMedia -Bosaso

0 Ra'yi ka dhiibo:

Post a Comment

Halkaan Ku cabbir Ra'yigaaga adoon cidna duraynin.

Astaanta Horyaal Waa Hiigsiga Nabadda Soomaaliya

Bashir Dahir Dhabayaco allhoryaal Copyright © 2007-2016

.

wararkii ugu danbeeyey