Thursday, December 23, 2010

D/Puntland Oo Sheegtay In ay wax ka qaban doonto Abaaraha


Dawladda Puntland ayaa si rasmi ah u sheegtay in ay wax ka qaban doonto abaaraha iyo Biyo la’aanta ka jirta degaanada Puntland mudooyinkii lasoo dhaafay.

Wasiirka arimaha Gudaha Puntland Gen.Cabdullaahi Axmed Jaamac (Ilkajiir) oo wareysi gaar ah siinayay warbaahinta Horseed Media maanta ayaa sheegay in guddigii dhowaan loo xilsaaray wax ka qabashada abaaraha ay bilaabeen howlahooda.
Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiraxmaan Sheikh Maxamed Faroole ayaa asbuucaan guddi Wasiiro ah u xilsaaray wax ka qabashada abaaraha,Wasiiradaas oo ah 5-wasiir ayaa kala ah;
  • Wasaarada arimaha Gudaha iyo Dawladdaha Hoose
  • Wasaarada Qorsheynta iyo Xirrirka Caalamiga
  • Wasaarada Xanaanada Xoolaha
  • Wasaarada Howlaha Guud
  • Wasaarada Caafimaadka
Wasiirka arimaha gudaha ee Puntland ayaa xusey in guddigaas ay u kuurgeli doonaan sidii gargaar loo gaarsiin lahaa dadka ay saameyeen abaaraha isla markaana kormeer ku bilaabeen goobaha ay ka jiraan abaarta daran.
Abaaro iyo biyo la’aan aad u baahsan ayaa waayadaan laga soo sheegaayay degaano badan oo kamid ah Puntland,waxaana cabasho ka muujiyey dadka degaanada ay abaaruhu ka jireen.

    Xigasho
HMedia - Bosaso

0 Ra'yi ka dhiibo:

Post a Comment

Halkaan Ku cabbir Ra'yigaaga adoon cidna duraynin.

Astaanta Horyaal Waa Hiigsiga Nabadda Soomaaliya

Bashir Dahir Dhabayaco allhoryaal Copyright © 2007-2016

.

wararkii ugu danbeeyey