Saturday, December 18, 2010

Aqoon yahano Somaliyeed oo ka deeriyay Xaaladaha Dalka iyo kulamo u soconaya

Qaar ka mid ah Aqoonyahanada Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Dibadiisa ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay kulamo ay sheegeen in lagu doonayo sidii xilka looga qaadi lagaa madaxweynaha Iminka Somalia ee Shariif Sh Amed.


Waxa ay sheegeen in dalkan uu yahay dal dagaalo iyo colaado daba dheeraatay ay halakeeyeen islamarkaana hadii la isku dayay in dowlado dhaliya kala dambeyn iyo dowladnimona ay jiraan caqabado badan oo soo laalaabtay, hadana aan loo baahneyd carqalado la sii huriyo.

Prof Cabdi Ismaaciil Samatar waxa uu ka mid yahay Aqoonyahanada Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka dibadiisa waxaana isagoo wareysi siinayay warqabadka SBC ee Magaalada Muqdisho uu sheegay in masuuliyiin ay ka mid yihiin Gudoomiyaha Baarlamanka Shariif Xasan, Raiisul wasaarihii hore ee DKMG ah Cali Maxamed Geedi iyo siyaasiyiin kale ay kulamo kula yeelanayeen maalmihii ugu dambeeyay magaalada Nairobi ee Dalka Kenya iyagoo ka arinsanayay sidii madaxweynaha Dalka ee haatan xilka loogaga qaadi lahaa.
Waxa uu tilmaamay Prof Cabdi Ismaaciil mid hada dalka u horseedi karta carqalado horleh iyo in uu dalka ku siijiro xaaladan iyo xaalad ka sii loodataba.

Waxa uu sidoo kale profisoorku sidoo kale ka hadlay arinta cahdiga kumeel gaarka isagoona sheegay in taasi ay tahay in shacabka Soomaaliyeed ka digtoodaan islamarkaana cahdiga kumeelgaarka uu yahay midka sidan u galay umada Soomaaliyeed iyo dalka Soomaaliyeed .

Si kastaba ha ahaatee waxa uu hadalka Aqoon yahankan imanayaa xili dalka soomaaliya uu yahay mid xaaladiisu ay ka sii dareyso maadaama maalin walba ay magaalada caasimada u ah ka dhacayaan dagaalo xoogan oo sii daadinaya dhiig horleh .

Allhoryaal@SBC

0 Ra'yi ka dhiibo:

Post a Comment

Halkaan Ku cabbir Ra'yigaaga adoon cidna duraynin.

Astaanta Horyaal Waa Hiigsiga Nabadda Soomaaliya

Bashir Dahir Dhabayaco allhoryaal Copyright © 2007-2016

.

wararkii ugu danbeeyey