Wednesday, December 29, 2010

Xulka Gobolka Banaadir oo usoo Baxay Wareega Final-ka

Xulka gobolka Banaadir ayaa ku guuleysatay inuu usoo baxo wareega Final-ka ee ugu dambeeya koobka ciyaaraha gobolada Soomaaliya kadib maanta ay la ciyaareen xulka kubadda cagta ee gobolka Nugaal.

Ciyaartaan ayaa bilaabmatay galabnimadii maanta,waxaana kasoo qaybgalay boqolaal dadweyne oo usoo daawasho tegay ciyaartaan oo xiiso gaar ah xambaarsanayd.

Qaybtii hore ee ciyaarta waxaa lagu kala nastay 0-0,waxaana ay ciyaartaan u muuqatay in aan la kala bixi doonin oo ay bareejo kusoo dhamaan doonto.

Xulka gobolka Banaadir ayaa la yimid goolkii kowaad,waxaana u dhaliyey mid kamid ah weeraryahankooda.

Xulka gobolka Nugaal ayaa sameeyey dadaal badan oo ay ku muujiyeen in aysan ku qanacsanayn in laga badiyo,waxaana ciyaarta ku dhowayd dhamaad xulka Nugaal dhaliyeen gool bareejo ah oo uu u saxiixay kabtankooda Dhalo.

Hadaba 90-daqiiqo loogu talagalay ciyaarta ayaa kusoo dhamaatay 1-1,waxaana lagu daray daqiiqo dheeraad si loo kala saaro labada xul balse ciyaarta ayaa mar kale sidaas ku dhamaatay,waxaana la go’aamiyey in rigooreyaal lagu kala baxo.


Ciyaartoowga gobolka Banaadir ayaa ka faa’ideystey dhamaan rigoorayaashii waxayna dhaliyeen 5 gool halka xulka gobolka Nugaal laga qabtey hal rikoore waxaana ciyaartu ku dhamaatey 6 : 5.

Waxaa halkaas ku burburtey rajadii Gobolka Nugaal oo ahaa kan martigelinaaya ciyaaraha in ay ku hantaan horyaalka ciyaaraha gobolada Soomaaliya 2010.

Gobolka Banaadir ayaa hadda sugaaya labada gobol ee Bari iyo Jubada Hoose kii soo badiya kuwaas oo wada ciyaari doona maalinta berri (29.12.2010) ah.


Ciyaarta maanta waxaa kasoo qaybgalay oo daawanaayay orodyahanka caanka ee Soomaaliyeed Cabdi Bile oo isla maanta kasoo degay garoonka diyaaradaha ee magaalada Garoowe.

0 Ra'yi ka dhiibo:

Post a Comment

Halkaan Ku cabbir Ra'yigaaga adoon cidna duraynin.

Astaanta Horyaal Waa Hiigsiga Nabadda Soomaaliya

Bashir Dahir Dhabayaco allhoryaal Copyright © 2007-2016

.

wararkii ugu danbeeyey