Wednesday, December 29, 2010

Halyeey Cabdi Bile Cabdi oo Maanta Ka Soo Degay Garoonka Diyaaradaha ee Garoowe

Halyeyga Soomaaliyeed ee Cabdi Bille Cabdi ayaa maanta ka soo degay Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Garoowe, waxaana Halyeygu uu si toos ah ugu gudbey garoonka Mire Awaare halkaas oo ay ka socdaan ciyaaraha gobolada Soomaaliya.



Halyeey Cabdi Bille Cabdi ayaa waxaa garoonka ku soo dhaweeyey kumaankun qof ee u soo daawashada tegay ciyaartii xiisaha lahayd ee Nugaal iyo Banaadir taas oo loogu baxaayey ciyaarta kama danbeysta ah.

Sida aan ka soo xiganayno masuuliyiinta Puntland Halyey Cabdi Bile Cabdi ayaa saxaafadda la hadli doona maalinta berri ah, muhimadda u weyn ee uu u yimid magaaladfa Garoowe ayaa ah in uu dhiiri geliyo ciyaaraha iyo sidii loo soo nooleyn lahaa Isboortigii Soomaaliya ee muddada 20 sano ah burbursanaa.

Cabdi Bille Cabdi ayaa ahaa halyeygii sharafta u soo hooyey dalka Soomaaliya kadib markii uu noqdey sanadkii 1987-dii horyaalka dunida ee orodka 1500 miter, kuwaas oo lagu qabtey magaalada Roma ee dalka Talyaaniga sidoo kale sanadkii 1989-kii ayuu ku guuleystey IAAF World Cup magaalada Barcelona, waxaana uu magaca Soomaaliya ku xariiqey taariikhda Isboortiga ee dunida

Halyey Cabdi Bille Cabdi ayaa lagu tiriyaa halyeeyada Isboortiga Soomaaliya ee Soomaalinimadu aadka ugu dheertahay.

Xigasho
HMedia-Bosaso

0 Ra'yi ka dhiibo:

Post a Comment

Halkaan Ku cabbir Ra'yigaaga adoon cidna duraynin.

Astaanta Horyaal Waa Hiigsiga Nabadda Soomaaliya

Bashir Dahir Dhabayaco allhoryaal Copyright © 2007-2016

.

wararkii ugu danbeeyey